Marka laga hadlaayo ujeedooyinka ay dawladuhu u dhistaan ciidamada waxaa lagu
sheegaa arimaha ay kamid yihiin:
1- In ay dalka ka difaacaan duullaan
walba oo dibada uga yimaada
2- In ay ilaaliyaan xuduudaha barriga, badda iyo hawada ee dalka
3- In ay soo farageliyaan oo hay’adaha amniga gudaha ay caawiyaan xilliyada
ay wajahayaan qalalaase ama kacdoono gudaha wadanka ah.
Hadaba, si dawlad walba ay u xaqiijiso madax banaanideeda
iyo sugida ammaanka xuduudeheeda waxaa ay dadaal dheeri ah ku bixiyaan sidii ay
u yeelan lahaayeen ciidamo u daacad ah, kuwaas oo hogaankooda, tababarkooda,
dhaqaalahooda iyo maamulkoodaba ay dawladu leedahay.
Ciidamada Soomaaliya.
Kahor burburkii dawladii Maxamad Siyaad Barre, Soomaaliya waxaa ay lahayd mid
kamid ah ciidamadii ugu awoodda badnaa qaarada Afrika, kuwaas oo ku filnaa
difaaca dhulka, badda iyo hawada Soomaaliya. Waxaa ay dagaallo taariikhda galay
la galeen cadawgii Soomaaliya oo ay Itoobiya ugu weyneed, guulo wax ku ool ahna
kasoo hooyeen. Amarka iyo talada ciidamadaas waxaa lahaa dawladii Soomaaliya,
mana jirin wadan kale ama dawlad kale, xittaa hadii ay yihiin kuwo saaxiib la
ahaa Soomaaliya, oo iyagu amar ku lahaa ciidamadaas.
Sida ay sheegaan dad badan oo aqoon u leh taariikhda,
awoodda milatari ee ciidamadii Soomaaliya, gaar ahaan dagaalkii ay Soomaaliya
la gashay Itoobiya sanadkii 1977 waxaa ay fajaciso ku noqotay dawladaha reer
galbeedka ah. Waxaa ay rumaysan waayeen sidii ay ciidamadii Soomaalidu muddo
kooban ugu jebiyeen ciidamadii xabashida, isla markaana qarka u istaageen inay
qabsadaan Addis Abbaba.
Wixii xilligaas ka dambeeyay waxay wadamadii reer galbeedku go’aan ku gaareen
in la burburiyo ciidamada Soomaaliya, arrinkaas oo ugu dambaytii hirglay,
kaalina ay ka qaateen isla qaar kamid ah saraakiishii ciidamadaas oo iyagu
dabadhilifyo u noqday wadamo shisheeye.
Maraykanka iyo la
dagaalanka Islaamka.
Kadib burburkii dowladii kacaanka, Maraykanku wuxuu isku deyay inuu cudud milatari
ku qabsado Soomaaliya, waxaa uu kumanaan ciidamo ah kasoo dejiyay Muqdisho
waxayna ciidamadiisa iyo kuwii wadamada kale ee la socday isku ballaariyeen
gobollada dalka. Balse dagaallo adag oo ay la galeen dadka Soomaaliyeed, gaar
ahaan Muqdisho oo lagu jiiday maydadka askarta Maraykanka waxaa ay ku qasabtay
inuu Madaxweynihii xilligaas Bill Kilinton ciidamadiisii Soomaaliya kala boxo.
Intaas kadib, wuxuu Maraykanku go’aansaday inuu dagaalka
ka dhanka ah Islaamka ee uu ka wado Soomaaliya uu u adeegsado ciidamo
calooshood u shaqaystayaal ah, laga soo billaabo maleeshiyaatkii hogaamiye
kooxeedyada oo uu hub iyo dhaqaale ku siin jiray dhibaatadii ay dalka ka wadeen
ilaa laga soo gaaro ciidamada Afrikaanka ah oo uu isagu weli yahay wadanka ugu
weyn ee taageerada siiya marka lagu daro wadamada Yurub iyo qaramada midoobay.
Ciidamada Danab
Maraykanku wuxuu tababar siiyay ciidamo Soomaali ah oo uu kasoo kala xushay
maleeshiyaatka kala duwan ee Soomaalida ah. Waxaa uu ugu magac daray Danab. Dhamaan
dhaqaalaha ku baxa tababarka ciidamadaas, noloshooda, hubkooda iyo mishaarkoodaba
waxaa bixiya wasaarada gaashaandhigga ee Maraykanka.
Ciidamada Danab waxaa ay si toos ah amarka ugu qaataan saraakiisha Maraykanka
ah ee AFRICOM. Waxay shaqadoodu tahay inay la dagaalamaan AlShabaab.
Dad badan ayaa aaminsanaa in Danab ay yihiin ciidamo ay leedahay dowlada Soomaaliya,
balse dagaalkii dhawaan ka dhacay Guriceel ee dhexmaray meleeshiyaatka Suufiyada
ah iyo maamulka Galmudug waxaa uu si cad banaanka usoo dhigay waxa ay Danab
tahay iyo cidda ay u shaqeeyso.
Dagaalka Guriceel waxaa ku dhintay taliye sare oo ka tirsanaa ciidamada Danab
kaas oo lagu magacaabi jiray Cabdiladiif Fayfle. Geeridiisa waxaa durbadiiba ka
qayladhaamiyey Maraykanka, waxaana ay masuuliyiinta Maraykanku sheegeen inay
ka fiirsan doonaan taageerada ay siiyaan Danab maadaama ay galeen dagaal aan
ahayn midkii uu Maraykanku ugu talagalay, raaligana uga ahaa.
Qof walba oo Soomaali ah xaq buu u leeyahay inuu isweydiiyo, Danab, ma ciidan
qaran baa, mise calooshood u shaqaystayaal?
Bal kawaran hadii uu dagaal dhexmaro Soomaaliya iyo mid kamid ah wadamada dariska
ah, ciidamada Danab maka qaybgeli doonaan dagaalkaas mise Maraykanka ayay fasax
ka sugayaan?
Hadii uu Maraykanku ka carooday in ciidamada Danab ay
dagaal la galeen maleeshiyaad maxalli ah oo la dagaalamay dowlada Soomaaliya,
ma wuxuu raali ka noqon doonaa in ciidamadaas ay dagaal la galaan dawlado kale
oo cadaw ku ah Soomaaliya balse saaxiib la ah Maraykanka sida Kenya iyo Itoobiya?
Ilaa hadda ma jiro wax jawaab ah oo ka soo baxday
maamulka Villa Soomaaliya oo ku aadan hadalka kasoo yeeray Maraykanka ee ah
inaysan ogoleyn in ciidamada Danab ay ka qayb qaataan dagaallada ka dhanka ah
ciddii aanan Al-Shabaab ahayn, si walba oo ay cadaw ugu tahay dowlada
Soomaaliya, taas oo shaki gelinaysa inay dowladu garawsatay qaladkii ay gashay ee
ahaa inay ciidamo calooshood u shaqaystayaal ah oo ay dowlad kale leedahay u
adeegsatay dagaal aanan shaqadooda ahayn, khasaaraha kasoo gaarayna uu
gaarsiisanyahay in saraakiil waqti badan, tababar adag iyo dhaqaale xoogan lagu
bixiyay ay ku dhinteen.
WQ: Maxamuud Cabdi Dhuunkaal