Jihaadiyiinta Maali oo fuliyay weerar lagu dilay ku dhowaad 10 askari.

Thursday November 11, 2021 - 13:22:08
Liibaan Jeexoow
Khasaara lixaad leh ayaa ciidamada melleteriga Maali kasoo gaaray weeraro is xigxigay oo uga yimid dhanka xoogagga jihaadiga ah ee ka halgama mandiqadda Saaxilka qaaradda Afrika.


Ugu yaraan 7 askari ayaa dhintay kadib markii qarax miino lala helay gaari ay la socdeen ciidamada oo ku socdaalayay deegaan 200 oo Km ujira magaalada caasimadda ah ee Bomako.

War rasmi ah oo kasoo baxay melleetriga Maali ayaa lagu sheegay in gaari gaashaaman uu dul maray miino dhulka lagu aasay balse xoogaga jihaadiga ah ayaa weerar dhabbagal ah u dhigay qaar kamid ah ciidamadii badbaaday waxaana weerarkaas ku dhintay 3 askari halka ay 3 kale dhaawacyo soo gaareen.

Mas'uuliyadda weeraradan waxaa sheegtay Jamaacada Nusratul Islaam Walmuslimiin ee Al Qaacidda ku xiran, dhacdooyinkan ayaa imaanaya xilli dowladda Faransiiska ay isku diyaarinayso in ciidamadeeda ay kala baxdo Maali kadib duullaan 9 sana jirsaday oo aan natiijo wax ku ool ah xaqiijin.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

Update cookies preferences