Cumar Xaaji Masalle Ninkii Ugu Horreeyay Ee Ciidamada Itoobiya Soo Geliyay Soomaaliya oo Halaagsamay.

Tuesday November 25, 2014 - 17:20:20
Super Admin
Ilaahey waa ukaadiyaa daalimka balse marka uu qabto madaayo oo qabasha adag ayuu qabtaa.


Dalka soomaaliya waxaa soo maray dagaal oogayaal khuwana ah oo diinkooda dollar iyo jagooyin sheydaani ah ku iibsaday kuwaasi godob aan la ilaawi Karin ka galay shacabka Soomaaliyeed.

Xalay waxaa wadanka Ingiriiska ku halaagsamay dagaal Ooge Cumar Xaaji Masalle oo Taariikh Madoow ifka uga tegay.

Ina Xaaji Masalle ayaa jagooyin kala duwan kasoo qabtay dowladdii melleteriga Soomaaliya ee uu madaxda u ahaa Max'med Siyaad Barre,Cumar Xaaji wuxuu soo noqday wasiirkii gaashaandhigga iyo wasiirkii caafimaadka.

Cumar ayaa ahaa khaa'in dabadhilif ah oo caan ku ahaa ladagaalanka islaamka iyo muslimiinta,markii ay burburtay dowladdii dhexe ayuu durbadiiba bilaabay in uu sii xoojiyo jallaafayntii uu ku hayay shacabka Soomaaliyeed isagoo adeegsanaya cadawga soo jireenka ah ee umadda soomaaliyeed.

Bartamihii sagaashameeyadii ayuu Cumar Xaaji Masalle oo wata kumanaan ciidamo Xabashi Itoobiyaan ah wuxuu duullaan ku qaaday degmooyin katirsan gobolka Gedo iyo gobolka Baay halkaasi oo uu dagaallo khasaara badan dhaliyay ka riday.

Inkastoo Cumar Xaaji Masalle waqtigan Allaah lakulmay haddane waxaan markaati ka nahay in uu ahaa dambiile addoomada ilaahey ee muslimiinta ah amxaara ku gummaaday islamarkaana cadawga Nasaarada Xabashida Itoobiya ugacan geliyay dhulalka muslimiinta sida Luuq,Doolow,Beled Xaawo iyo Baardheere.

Ciidamada Xabashida Itoobiya oo uu hoggaaminayay Cumar Masalle ayaa mujaahidiintii Xarakada Al-itixaad kula dagaalamay Gedo iyo Jubbooyinka halkaasi oo ay ku shahiideen boqolaal katirsanaa culimadii Soomaaliyeed ee dacwada islaamka ku faafiyay dalka.

Ina Xaaji Masalle wuxuu noqday qofkii ugu horreeyay ee ciidda soomaaliya xabashida Itoobiya soo geliyay islamarkaana culimaa'udiin ku gummaaday waxaa laha yaabaa in dadka qaar is yiraahdaan "qoraagu waa khaldamay oo C/llaahi Yuusuf miyuu hilmaamay",balse xaqiiqda ayaa ah in Cumar Xaaji uu ahaa Ninkii ugu horreeyay ee Xabashi dalka ugacan geliya islamarkaana culimaa'udiin gummaaday.

Dadka yaqaan taariikhdiisa waxay sheegaan in uu si khiyaano ah culimaa'udiin ay qaraaba yihiin ugu gacan geliyay ciidamada Itoobiya kadibna fagaare kuyaal degmada Doolow lagu gummaaday.

Ciidamada gumeysiga Itoobiya ee Cumar Masalle kusoo hogaamiyay soomaaliya ayaa islamarkiiba isku dayay in ay dilaan balse waa ka fakaday sanado kadib markii uu fashilmay mashruuciisi diin ladirir ayuu siyaasadda Soomaaliya ka baxay wuxuuna ubaxsaday dalka dibaddiisa.

Cumar Xaaji Masale iyo kuwa lamid ah oo Cabdullaahi iyo Max'med Dheere kamid yihiin waxaa shartooda  ka nasan doona adoomada ilaahey,dhulka iyo geedaha.

Cumar ayaa bixiyay amarkii lagu laayay culimada soomaaliyeed horraantii todobaatameeyadii xiligaasi  oo siyaad barre uu si aan gambasha laheyn u beeniyay aayado Qur'aanka Kariimka katirsan.

Liibaan Jeexoow Cabdi

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

Update cookies preferences