Jihaadiyiinta oo la wareegay Sedax meelood dalka Maali [Warbixin].

Friday August 19, 2022 - 13:34:56
MeMO Staff
Warbaahinta reergalbeedka ayaa soo warisay in afar meelood sedax kamid ah dalka Maali uu ugacan galay xoogag jihaadi ah oo xiriir dhow laleh Urur weynaha Al Qaacidda.
Wargeyska Le-Temps ee laga leeyahay dalka Swizerland ayaa warbixin cusub oo uu daabacay ku sheegay in jihaadiyiintu ay qabsadeen dhowr degmo ayna wali sii wadaan ugurguurashada magaalooyinka waaweyn.

Mas’uul katirsan Q.Midoobay ayaa isagoo ku sugan dalka Senegal wuxuu Wargeyska uxaqiijiyay in Jihaadiyiintu ay qabsadeen Afar meelood sedax kamid ah masaaxada uu dalka Maali ku fadhiyo isagoona walaac ka muujiyay tabardarida ciidamada dowlada Maali oo awoodi waayay in ay iska difaacaan gulufka Jihaadiyiinta.

Le Figaro oo ah wargeys kasoo baxa magaalada Paris ayaa isna soo daabacay in calooshood ushaqeystayaal Ruushiyaan ah ay ku suganyihiin furimaha dagaalka iyagoo isku dayaya in ay dowladda Maali ka caabiyaan Jihaadiyiinta.

Maleeshiyaadka shirkadda Fagnar ayaa la arkay iyagoo furimaha dagaalka kusii daad guraynaya hub culus.

15,Augst 2022 Afar maalmood ka hor ayay wasaaradda difaaca Faransiiska ku dhawaaqday in askarigii ugu dambeeyay ee ciidamadeeda kamid ah ay ka saartay Maali kadib 9 sano oo duullaan ah.

Ciidamada Faransiiska ayaa lageeyay saldhigyo kuyaal dalka Niger ee dariska la ah Maali halkaas oo la sheegay in ay kasii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah waxa loogu yeero Argagaxisada.

Xukuumadda ay madaxda ka yihiin Jeneraallada Melleteriga ee fadhigeedu yahay magaalada Bomako ayaa Paris ku eedeeyay in ay ku xadgudubtay madax banaanida dalka Maali kadib markii ay diyaarado waxbasaasa soo gelisay hawada wadanka ayna qaadday tallaabooyin dheeraad ah.

Cabdalla Dayuub oo ah wasiirka arrimaha dibadda Maali ayaa warqad uu uqoray ‘Golaha ammaanka’ ku sheegay in Faransiisku uu xadgudubyo ka geystay Maali, wuxuu ku eedeeyay xukuumadda Paris falal cadowtooyo wuxuuna ugu baaqay Q.Midoobay in arrintan ay ka yeelato kulan degdeg ah.

Labadii sano ee lasoo dhaafay waxaa iskusoo dhowaanayay Ruushka iyo Maali arrinkaas oo ka caraysiiyay Faransiiska iyo dowladaha Yurub ee qeybta ka ah duullaanka lagu qaaday muslimiinta mandiqadda Saaxilka gaar ahaan dalka Maali.

Related Items

Update cookies preferences