Daawo Sawirro: Ciidamada Al Shabaab oo la wareegay Booco iyo deegaanno hoos yimaad Beled Weyne.

Thursday September 29, 2022 - 14:23:24
Liibaan Jeexoow
Ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa dib ula wareegay deegaanka Booco ee duleedka magaalada Baladweyne halkaas oo ay ka bexeen ciidamadii huwanta ahayd ee deegaanka kusoo duushay.
Ciidamo farabadan oo ka tirsan milatariga Al-Shabaab ayaa gudaha u galay deegaanka, iyadoo aysan jrin wax iska hor-imaad ah oo deegaanka ka dhacay. Maleeshiyaatkii DF iyo Macawiislayda ayaa intii aysan deegaanka Booco ka bixin waxay bililiqaysteen dhamaan wixii hanti yaallay deegaanka, waxayna dab qabadsiiyeen suuqii ugu weynaa deegaanka.

Dhanka kale ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa sidoo kale la wareegay deegaanada Nuur Fanax, Burdaar iyo Daayoow oo dhamaantood ku dhirirsan wadada xiriirisa deegaanka Booco iyo Degmada Baladweyne

Related Items

Update cookies preferences