Jihaadiyiinta Soomaaliya oo sare uqaaday dilalka ay ka fulinayaan Muqdisho iyo duleedkeeda [Warbixin].

Tuesday January 10, 2023 - 13:51:56
Liibaan Jeexoow
Faarax Muuse wuxuu kamid ahaa saraakiishii Muqdisho lagu dilay
Faarax Muuse wuxuu kamid ahaa saraakiishii Muqdisho lagu dilay
Beegsi xooggan ayaa ku socda askarta iyo saraakiisha iyo saraakiisha dowladda ee ka howlgala magaalada Muqdisho caasimadda dalka Soomaaliya.
Weeraro qorshaysan oo xoogag jihaadi ah ay 24kii saac ee lasoo dhaafay ka fuliyeen degmooyinka gobolka Banaadir ayay ku dileen askar iyo saraakiil katirsanaa dowladda.

Wararka laga helayo deegaanka Tabeellaha Sheekh Ibraahim ayaa sheegaya in dablay hubaysan ay halkaas ku dileen Gaashaanlle sare Ibraahim Cali Asaandheey oo katirsanaa saraakiisha ciidamada dowladda.

Weerar kale oo ka dhacay deegaanka Tareedisho ayaa lagu dilay askari katirsanaa ciidamada melleteriga kaasi oo magaciisa lagusoo gaabiyay Maska Madoow.

Weerarada oo ahaa kuwa isku xiran ayaan ku ekayn duleedka Muqdisho ee waxay ka dhacayeen bartamaha caasimadda,xaafadda Towfiiq ee degmada Yaaqshiid toogasho ka dhacday waxaa lagu dilay askari boolis ah oo magaciisa lagusoo gaabiyay Gacameey.

Xaafadda Tabakaaya Madoow ee degmada Wadajir xoogag hubaysan ayaa ku dilay sarkaal katirsanaa ciidamada dowladdda kaasi oo lagu magacaabi jiray Faarax Muuse.

Sarkaalkan wuxuu kamid ahaa maleeshiyaadka dagaal ooge Axmed Daacid oo kamid ah siyaasiyiinta DF-ka ee duullaanka kusoo qaaday deegaanno katirsan Wilaayada Sh/dhexe.

Dad ku sugan degmada Wadajir ayaa sheegay in xalay weerar kale lagu dilay Yuusuf Aadan Maadeey oo kamid ah ergadii xildhibaannada baarlamaanka DF-ka kasoo xulay dhanka maamulka Hirshabelle

Related Items

Update cookies preferences