Sidaan ayay Al Shabaab ula wareegeen saldhiggii ciidanka Uganda ee Buula Mareer [Sawirro].

Friday May 26, 2023 - 15:28:41
Liibaan Jeexoow
Maktabka warfaafinta Xarakada Al Shabaab ayaa faafiyay sawirrada weerarkii aadka ucuslaa ee saaka lagu qaaday saldhigga ciidanka Uganda ee degmada Buula Mareer Sh/hoose.
Sawirrada ayaa muujinayay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin oo gudaha ugu jira saldhigga ciidanka ATMIS islamarkaana gubaya gaadiidkii gaashaanaa ee saldhigga yiillay.

Sidoo kale waxaa sawirrada lagu arkayaa meydadka ciidamada Uganda oo daadsan goobta dagaalka, Alkataa'ib ayaa muuqaallo toos ah kasoo saartay halaaggii saaka ciidamada shisheeye ku gaaray Buula Mareer.

Halkan ka degso sawirrada oo dhammeystiran [Full]

Related Items

Update cookies preferences