AL-SHABAAB; AWOOD AAN LA LOODIN KARIN OO ISKU DIYAARINEYSA XUKUNKA SOOMAALIYA. W/Q: Macallin Maxmuud

Wednesday June 28, 2023 - 21:20:02
Liibaan Jeexoow
Sanad kadib, duullaankii uu ku dhawaaqay hogaamiyaha Dowladda federaalka ee degan Villa Somalia, Xasan Sheekh Maxmuud, waxaa muuqata in Al-Shabaab ay ka qaadeen xamladaas ad-adegy, karti, tiro-badni, khibrad xaga dagaallada ah iyo waayo-aragnimo. Intaas oo dhami waxaa dareemi kara qofkii daawaday muuqaalkii ugu dambeeyay ee ay kooxdu baahisay oo lagu soo bandhigay kumanaan kun oo askari oo tababar loo soo xiray.
Maalmo kahor inta aan la dooran Xasan Sheekh Maxmuud May 2022, waxaa magaalada Jilib iyo meelo kamid ah Jubbooyinka gaaray wariye Jamaal Osman oo ka howlgala Channel4. Wuxuu wariyahan sheegay in Al-Shabaab ay isku diyaarinayaan la wareegitaanka Soomaaliya.

Aniga iyo dad badan oo Soomaali ah waxaan ka mideysneyn in hadalkaaas aan u arkeynay ka bad-badis, laakiin hadda markaan daawaday muuqaalka tabobabarka loo soo xirey kumanaanka Jihaad doonka ah, waxaan ogaaday in Jamaal uu cabirayay waaqic jira oo dhab ah, ismana lihi hadda in labo qof ay ku murmi karaan in Al-Shabaab ay leeyihiin rajo dhow oo ah iney dalka la wareegaan!.

Markale, waxay Al-Shabaab muujiyeen habacsanaanta siyaasadda Maraykanka ee Soomaaliya, taas oo dalkan ka wada howlgallo duqeymo ah oo lagu beegsado deegaannada ay maamusho kooxda, maxaa yeeley wardoonnada CIA-da ee gudaha iyo qalabyada satellite-ka ee wax duuba intoodaba waxay ku guuldareysteen iney helaan xogta la xiriirta ciidankan aadka u badan ee qalin jebinayay.

Haddii sanado dhow ay dad badan oo Soomaali ah oo aan anigu ku jiro rumeysnaayeen in Al-Shabaab yihiin koox dhalinyaro ah oo aan lahayn yool dheer oo ay hiigsanayaan, waxaan isleeyahay taasi wax badan ayaa iska bedelay, waa tan uu Cali Dheere leeyahay isagoo farta ku fiiqaya rag hareerihiisa fadhiya " kuwani waa aabayaasheena, kuwanina waa walaaladeena, kuwanina waa wiilasheena” taasi micnaheedu waxa uu yahay in kooxdu heysato khibradda awooweyaal 80 jirro ah, kartida garcas 40 jirro ah iyo xoog-furnaanta dhalinyaro 20 jirro ah.

Xasan Sheekh Maxmuud, madaxweynaha Soomaaliya haddii hanjabaadiisa sanad ka hor ay gilgishey taageeriyaasha Al-Shabaab qaarkood, hadda wuxuu noqday tusaale ay kooxdu usoo qaadato maad iyo qosol, Cali Dheere oo qoslaya ayaa madaxweynaha ku tilmaamay bilaash xeyte, wuxuuna weydiiyay bal wuxuu ku dheefey dhaartiisii caanka ahayd!

Dhalinyarada Jihaad doonka ah qeybtooda fulisa qaraxyada culculus ee gawaarida iyo suumanka loo adeegsado ayaa hadda u muuqda kuwa la ciir-ciiraya xeryaha tabobarrada ee Al-Shabaab. Gulufkii lagu qaaday kooxda waxaa muuqata iney u noqotay xeelad horleh oo ay ku qorato ciidamo cusub, illeen waxay dhalinyarada ku qancisay in duullaan lagu yahay Shareecada Islaamka!

Markaad u fiirsato hadallada ay jeedinayaan hogaamiyaasha Xarakada Al-Shabaab, waxaa muuqata in tajrubada Afghanistaan ay u noqotay mid dhiirrogelisa damaca Jihaadiyiinta Soomaaliya. Muuqaalladii garoonka Kaabul ayuu Sh. Cali Dheere kusoo hadal qaaday video-ga cusub, isagoo u digaya xubnaha dowladda Soomaaliya.

Ugu dambeyntii; waxaa la gudboon qolyaha ku lugta leh siyaasadda Soomaaliya oo ay ugu horeeyaan Maraykanka, UN-ka, Khaliijka iyo xitaa dowladda federaalka Soomaaliya in waqti badan la iska luminin, wareega ciyaartana aan lasii dheereynin, sheekada halka ay kusoo biyo shuban doonto oo ah in Al-Shabaab lala hadlana lasoo dedejiyo, oo dhalinyaraddu bahallo maahe, Kamna xagjirsanee Taliban talada dalkooda laga qeybgeliyo, loona madax baneeyo maamulka dhulkooda, Soomaali isku diin ah oo isku dhaqan ah ayaa dalka degan’e.

Fikradan waa mid ii gaar ah anigoo ah Macallin Maxmuud, kamana tarjumeyso Jaamacadda aan wax ka dhigo.

FG: Fikirku wuxuu gaar uyahay qoraaga looma tiirin karo SOMALIMEMO



Related Items

Update cookies preferences