Dhabbihii Saxaabada iyo labada Ciidan ee isku hayo Soomaaliya! (MAQAAL).

Wednesday July 12, 2023 - 14:11:36
Liibaan Jeexoow
AS ayaa kumanaan dagaalyahan soo bandhigtay
AS ayaa kumanaan dagaalyahan soo bandhigtay
Ciidi lasoo dhaafay ee Carafo Alshabaab ayaa soo bandhigtay ciidamo ay ku sheegtay in ay ka qalin jabiyeen Xero tabsbar oo ay ugu magac dartay Saxaabiga Ribciyyi Ibnu Caamir (RC),
maantana waxa ay soo saartay qeyb kamid ah kalimaadkii ay Culumadooda halkaa uga jeediyeen Ciidamadaan tababarka loo soo xeray. Dhanka kale Dowladda Federaalka ayaa dhankeeda maanta soo bandhigtay ciidamo cusub oo tababar loogu soo xeray dalka Yugaandha kuwaa oo loogu magac daray Saxaabiga Khaalid Ibnul Waliid(RC). Haddaba maqaalkaan waxaan ku eegi doonnaa waxa ka muuqday labadi muuqaal ay soo saareen iyo qudbadihi ay kusoo bandhigeen ciidamadaan furimaha dagaalka isku wajihi doono maalmaha soo socdo.

Ribciyyi Ibnu Caamir iyo khaalid Ibnul Waliid labadaba allaha ka raali noqdee waa laba saxaabi oo waaweyn taariikhda muslimiintane baal dahab ah ku leh, labadaan saxaabi waxay ka siman yihiin halganka iyo gaalo nacaybka, mawaaqiifta cad cad ee runta iyo naf hurka ku dhisan. Labaduba waxay ahaayeen laba saxaabi oo gaaladu ka haybeysato muslimiintane guulo waaweyn uu allaah ku makaniyay dhacdooyinki ay hogaamiyeen oo dagaallo iyo wada hadalba lahaa.

Labadaan saxaabi marne dagaal iskagama hor imaan oo waxay lahaayeen ujeeddo mid ah oo ah iney ilaahey diintiisa u shaqeeyaan gaalana iska dhiciyaan.

Labada muuqaal waxa ay ka sinaayeen magac bixinta oo waxay kala wateen magacyo saxaabi oo labaduba caan ku ah la dagaalanka gaalada, in ciidamadu tababar loo soo gabagabeeyay iyo in loo qudbeeyay. Dhanka kale waxa ay ku kala duwanaayeen taba barka cidda bixisay, ujeedooyinka iyo calanka ay sitaan, oo dowladdu waxa ay sheegtaa iney dimuquraaddi tahay halka Alshabaab ay sheegto iney u taagan tahay dhaqan gelinta Shareecada Islaamkaa.

Dowladda ciidamadeeda oo Yugaandha lagu soo tabo baray waxay ugu magac dartay Saxaabiga weyn ee jihaadka iyo dagaalka gaalada ku caan baxay ee khaalid Ibnul Waliid (RC), inkastoo Magaca khaalid Bin Waliid horay Alshabaab guuto ka tirsan oo magacaa wadato loo arkay taa oo ka dhisan gobollada Sh shexe, Hiiraan iyo Galgaduud oo marbey dagaal adag ka galeen Degmada Nuurigood ee Gobolka Sh dhexe xilligi hore Xassan Sheekh. Waxaad mooddaa dowladda magaca xitaa iney ka qaadatay Alshabaab, waxaa laga yaabaa marki ay Xarakadu ciidamadaan cusub soo bandhigeen in ay dowladdu si xamaasad leh iskaga go'aansatay iney shaatiga diimeed isku jimeyso magac saxaabi oo dagaal iyo geesinimo lagu yaqaanayne u bixiso ciidamadeeda. Halka Alshabaab xerada tababarkaan ugu magac dareen saxaabigi weynaa ee Ribciyyi Ibnu Caamir kaa oo la gorgortamayay madaxdi ugu sareysay dowladdi Faaris oo eheed mid kamid ah labadi dowladood ee xiligaa ugu awoodda badnaa dunida asiga oo matalayay muslimiinta taasi oo ay Jihaadiyiintu ku muujinayaan in xiligaan ay joogaan waqtigii ay ugu awoodda badnaayeen.

Culumada la hadleysay ciidamada Jihaadiyiintu waxay ku wacyi gelinayeen wixi aan kusoo aragnay intii ay jireen ayagoo dhalin yarada ku dhiira gelinayay dagaalka una sheegayay iney isku diyaariyaan guul iyo geeriba sidoo kale waxay ku dul aqrinayeen ciidamadooda tobanaan aayaadood oo Qur'aan iyo axaadiith-ta rasuulka halka dhanka kale Wasiirka Gaashaandhigga aad moodo inuu aad u adeegsanayay eray bixino badan oo jihaadiyiintu isticmaalkoodu lagu ogaa waxaadba mooddaa in warbaahinta Alshabaab ay saameyn iyo raad ku yeelatay madaxda dowladda mana jirin wax daliil diineed ah oo uu soo qaadanayay Wasiirka.

Wasiirka wuxuu dhoor jeer soo qaatay kalimadda "Jihaad" oo waxaad moodaa inuu iloobay hadafka dowladdu ma ahan jihaad oo gaaladu waaba kuwa soo tababaray ciidamadaan waana kuwa dhaqaalaha ku bixinaya saadka iyo sahaydane laga helo difaacane ay ku wada jiraan oo dowladda Federaalka iyo xeerarkeedaba ma qabaan jihaad iyo in la galo dagaal looga shidaal qaadanayo amarka Alle ee ah in lala 'Jihaado' gaalada diintiisane la koryeelo dhulalka muslimiintane iyo xuquuqdoodane la baadi goobo.

Labada muuqaal markii aan daawaday waxaa kala duwan ujeedooyinka loo socdo oo jihaadiyiintu waxay muuqaalkooda ku sheegeen ahdaaf waaweyn oo ay ka bilaabeen in Alle raali ahaashihiisa ay ka shaqeynayaan waxayna kusoo gabagabeeyeen qodobkooda ugu dambeeyay ee ah khilaafadi muslimiinta iney doonayaan in ay taaagaan. Halka Wasiirka Dowladda Federaalka uu tilmaamay in aduunki ay Soomaalidu ka noqotay bar ama wax aan dhameystirneen si Soomaalidu u dhameystirmato aduunkuna (Rer galbeedku) u aqoonsado loo diyaariyay ciidamadaan iney dagaalka soo af-jaraan.

Wasiirka dhoor jeer ayuu ciidamada loogu magac daray khaalid Ibnu Waliid xusuusiyay iney dhiman karaan una diyaar garoobaan dhimashada marne ciidamadiisa ma muujin ku qanacsanaanta arinkaa uu ugu sheegay shahaadada halka ciidamada jihaadiyiintu mar kasta oo kalimadda dhimashada ama wax u dhigmo ay ka maqlaan culumadooda dareenkooda uu isbedelayay farxad badane ay muujinayeen intaanna waxaaba dheer iney goobtaa tira badan ka joogeen ragga ay Xarakada ugu yeerto Istish-haadiyiinta kuwaa oo dardaarankoodi u dambeeyay soo gudbistay ama u diyaarsan.

Intaa waxaa dheer Wasiirka Gaashaandhigga marne ma sheegin inuu diyaar u yahay inuu asiga dhinto. Halka dhanka kale cumlumada xarakadu ay taa carabka wada mariyeen iyadoo suldaanku uuba intaa ku daray iney dhammaantood istish-haadiyiin yihiin.

Wasiirka waxa uu sheegay in Alshabaab ay dalka keentay rag badan oo ajaanib ah qaarkoodna ayba qeyb ka yihiin weerarada waaweyn ee qorsheysan taa waxaaba adkeynayay Culimada u hadashay Xarakada oo ka dhigayay iney u diyaarsan yihiin rag badan oo iskaga yimid bariga afrika oo dhan balse dhanka Dowladda Federaalka waxaa lawada ogyahay iney garab u yihiin ciidamo badan oo ka yimid wadamo kala duwan oo cadaan iyo madoowba leh, waddan kastana uu wato calankiisa iyo diintiisa.

Ugu dambeyn dadka Soomaalida iyo duniba waxa ay sugayaan natiijada kasoo bixi doonta labadaa ciidan oo mid walba lagu soo tiir iyo tacab beelay.

W/Q: Jaabir Cali

Related Items

Update cookies preferences