Sh.Yuusuf Kaba Kutukade "Dagaalka ay ugu magac dareen Wejiga 2aad waa dagaalkii quusta" dhageyso.

Thursday August 17, 2023 - 11:16:53
Liibaan Jeexoow
Sheekh Yuusuf Ciise Kaba kutukade oo ah waaliga wilaayada Islaamiga ee Sh/dhexe ayaa ka hadlay weerarkii shalay ka dhacay duleedka degmada Ruunirgood kaasi oo lagu dilay ugu yaraan 19 askari.
Wuxuu sheegay in maleeshiyaadka dowladda ee duullaanka soo qaaday ay yihiin kuwa tabardaran islamarkaana ku hoobanaya jiidda dagaalka "maleeshiyaadkaas waxaan leenahay birta iyo baabuurta ayaa idinka qiima badan cid wax idinku falaysa ma jirto waan ognahay in gaadiidkii laydinka reebtay oo furinta laydinkusoo shubay" ayuu yiri Sheekh Yuusuf Ciise.

Kaba Kutukade ayaa reja weyn ka muujiyay in madaxweyne Xasan Sheekh uu ku fashilmi doono duullaanka cusub ee uu kusoo qaaday wilaayaatka Islaamiga "Xamladaan waa xamladii quusta Insha'Allaah waxay noqon doontaa middii aan dhulka furan laheyn" ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Halkan ka dhageyso wareysiga Kaba Kutukade MP3

Related Items

Update cookies preferences