Maxaan ka ognahay khasaaraha ka dhashay dagaalkii Daaru Nicma?

Monday September 04, 2023 - 18:08:28
Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dagaal culus oo ka dhacay deegaan katirsan gobolka Sh/dhexe.
Ugu yaraan 12 askari ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhunteen iska hor'imaadkii maanta barqadii ka dhacay deegaanka Daarunicma oo qiyaastii 39Km ujira degmada Aadan Yabaal.

Khasaaraha ayaa sii kordhay kadib markii qarax miino uu haleelay gaari Cabdi Bile ah oo gurmad ahaan ugasoo baxay deegaanka Alkowsar.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalyahannadoodu ay lawareegeen Daaru Nicma islamarkaana ay gubeen gaari dagaalka.

Dowladda Federaalka oo iyana dagaalka war kooban kasoo saartay ayaa sheegtay in ciidamadeedu ay iska caabiyeen weerar culus oo uga yimid jihaadiyiinta.

Related Items

Update cookies preferences