Khasaaraha ciidanka Itoobiya ee dagaalkii duleedka Rabdhuurre oo kordhay [Sawirro].

Thursday September 21, 2023 - 21:20:25
Liibaan Jeexoow
Waxaa sii kordhay khasaaraha dhimasho ee ciidamada Xabashida Itoobiya kasoo gaaray weerarkii cuslaa ee Axaddii lasoo dhaafay ka dhacay deegaan katirsan gobolka Bakool.
Wararka ka imaanaya duleedka degmada Rabdhuurre ayaa sheegaya in halkaas lagu arkay meydadka illaa 35 askari Itoobiyaan ah.

Sida ka muuqata sawirrada askarta badankood ayaa udhintay dhiigbax kadib markii ay ku dhaawacmeen weerarkii jidgalka ahaa ee ka dhacay deegaanka Booco.

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska warfaafinta Al Shabaab ayaa lagu sheegay in dhimashada ciidanka Itoobiyaanka ay korortay isagoona faafiyay sawirro hor leh.

Halkan ka daawo sawirrada oo dhammeytiran PDF

Related Items

Update cookies preferences