Dhageyso: Al Shabaab oo si kulul uga hadlay Badda lagu wareejiyay Itoobiya baaqna udiray shacabka Soomaaliyeed.

Tuesday January 02, 2024 - 12:13:03
Idriis Ali
Shir jaraa'id oo uu qabtay Sheekh Cali Dheere oo ah Afhayeenka Al Shabaab ayuu si adag uga hadlay tallaabada maamulka Somaliland uu 20KM oo kamid ah badda ugu wareejiyay dowladda Xabashida Itoobiya.
Hoggaanka Al Shabaab wuxuu sheegay in marnaba aysan suurtagal noqon doonin in Xabashida Itoobiya ay qaadato badda Soomaaliyeed wuxuuna shacabka Soomaalida ugu baaqay in ay u istaagaan difaaca baddooda iyo barrigooda.

Tallaabada uu Muuse Biixi Itoobiya ugu saxiixay badda Soomaaliya ayuu Sheekh Cali Dheere lameel dhigay qabsashada Yahuudda ee dhulka Falasdiin.

Halkan ka dhageyso kalimadda Sheekh Cali Dheere MP3

Related Items

Update cookies preferences