Wax ka ogow degmada Lughaya ee Itoobiya sheegtay in loo saxiixay.

Thursday January 11, 2024 - 14:02:28
Liibaan Jeexoow
Dhawaan waxa la shaaciyey heshiis MOU ah oo ay kala saxiixdeen Somaliland iyo Itoobiya, kaas oo Somaliland sheegtay in ay ku helayso aqoonsi caalami ah halka Itoobiyana ay tibaaxdey in ay yeelanayso bad.
Heshiiskaa lagu sheegay Is Afgaradka oo laga wareystay Lataliyaha Amniga ee Abiy, Ridwaan Xuseen waxa uu xusey in badda la siiyey ama loo soo bandhigey ay tahay xeebta Degmada Lughaya.

Haddaba degmadani waxa ay ku taallaa gobolka ugu shisheeya dhanka galbeed ee Somaliland kaas oo lagu magacaabo Awdal. Gobolka Awdal waxa uu xuduud beenaad la wadaagaa Djibouti iyo Itoobiya, isla markaana waxa uu leeyahay xeeb ku filan.

Awdal waxa uu ka kooban yahay afar degmo oo kala ah; Degmada Boorama oo ah xarunta gobolka, Degmada Seylac oo taariikh dheer muslimiinta Geeska Afrika kuleh, Degmada Baki iyo Degmada Lughaya. Saddex degmo oo gobolkaas kamid ahi waxa ay kulaalayaan xeebta marka laga reebo degmada Boorama.

Degmada Lughaya waxa ay xigtaa dhanka Seylac shacabka ku noolna waxa lagu qiyaasaa ku dhawaad 150,000 sida laga dheehan karo warbixino ay diyaariyeen hay’adaha Reergalbeedku 2019. Lughaya waa degmada ugu dadka yar Gobolka Awdal marka laga shidaal qaato doorashadii ugu dambaysay ee maamulka Somaliland ka qabtey deegaankaas.

Dadka reer Lughaya 85% waa xoolo dhaqato sida bulshada Soomaaliyeed u badan tahay, masaaxada degmadu ku fadhidaa waa 3,340km².

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences