Al Shabaab oo isbadal ku sameeyay maamulka Jubooyinka, wullaad cusub u magacaabay Jubbada dhexe iyo Jubbada hoose [Warbixin].

Thursday March 21, 2024 - 17:46:21
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya Wilaayada Islaamiga ah ee Jubbooyinka ayaa sheegaya in isbedel dhanka maamulka ah laga sameeyay wilaayadaasi, taas oo qeyb ka ah dardar gelinta iyo sare u qaadista hawlaha wilaayaadka islaamiga ah ee lagu maamulo shareecada Islaamka.
Warar lagu kalsoonyahay oo ay heshay Shabakadda Wararka SomaliMeMo ayaa xaqiijinaya in Maktabka Siyaasadda iyo xiriirka Wilaayaat-ka ee Xarakada Al-Shabaab Al-Mujaahidiin uu laba wilaayo ukala qaaday wilaayadii Jubbooyinka, iyadoo loo kala qaybiyay Jubada hoose iyo Jubada dhexe oo markii hore hal wilaayo isku ahaa.

Maktabka Siyaasada iyo Wilaayaatka ayaa Waaliga cusub ee Wilaayada Islaamiga Jubbada hoose loo magacaabay Sheekh Axmad Abuu Yuunus. Halka Waaliga wilaayada cusub ee Jubbada dhexe loo magacaabay Sheekh Cali Darwiish.

Kulan ballaaran oo la iskugu yeeray qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Wilaayada Jubbooyinka dhamaan sida Culimada, odayaasha dhaqanka, ganacsatada iyo aqoonyahanada ayaa lagu shaaciyay ibadalka lagu sameeyay maamulka Jubooyinka. Waalliga JUbada dhexe ayaa waxaa hoos imaan doona dhamaan degmooyinka iyo deegaanada Jubada dhexe oo ku jira gacanta Xarakada Al Shabaab, Halka Waaliga Jubada hoose ay hoos imaan doonaan degmooyinka Kamsuuma, Jamaame, Badhaadhe iyo Xagar oo ay ka taliyaan Al Shabaab. Waxaa gacantooda ka maqan Kismaayo iyo Afmadow oo kaliya, kuwaas oo ay dulka ku hareereysan Xarakadu ka taliso.

Maktabka siyaasadda iyo wilaayaatka ayaa dhawaan sidaan oo kale ukala qaaday wilaayaatka Baay iyo Bakool kuwaas oo isku ahaa hal wilaayo balse hadda kala ah laba wilaayo, arinkaas oo dar-dar cusub geliyay adeegyadii ay maamullada Islaamiga u hayeen bulshada ku dhaqan labada wilaayo.

Related Items

Update cookies preferences