Itoobiya oo sheegtay in ay maamulka Puntland xiriir iskaashi la yeelanayso.

Wednesday April 03, 2024 - 16:14:42
Liibaan Jeexoow
Wasaaradda Arrimada Dibedda ee Itoobiya ayaa maanta qoraal ay baahisey ku sheegtay in Wasiirka Arrimaha Dibedda Itoobiya Mesganu Agra uu xafiiskiisa ku qaabiley wafdi ka socday maamulka Puntland oo uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda Puntland, Maxamed Faarax Maxamed.
Itoobiya ayaa sheegtay in ay Maxmed iyo waftigiisa kala hadleen iskaashiga dhanka ganacsiga, maalgashiga iyo tamarta korontada. Dhanka kale waxa ay Itoobiya xustay in maamulka Puntland uu Itoobiya uga mahad celiyay taageerada dhanka amniga iyo waxbarashada.

Xukuumadda fadhigeedu yahay Addis Ababa ayaa tibaaxdey sida ay uga go’an tahay taageerada maamulka Puntland isla markaana ay diyaar u yihiin in ay iska kaashadaan dhinacyo badan.

Maamulka isku magacaabey Puntland waxa uu dhawaan aad uga biya-diidey ansixintii iyo waxka beddelkii DF ku samaysay dastuurka Soomaaliya.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences