Xildhibaan Faarax Macallin oo sheegay in awoodda Al Shabaab kusii fidayso gudaha dhulka Soomaalida NFD iyo deegaanno kale.

Tuesday May 21, 2024 - 15:22:05
Liibaan Jeexoow
Siyaasiyiin Soomaali dabadhilifyo ah ayaa walaac ka muujiyay awoodda Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee geeska qaaradda Afrika.
Laba sanadood kadib markii madaxweynaha Dowladda Federaalka loo doortay Xasan Gurguurte ayay siyaasiyiinta dabadhilifyada ah isku raaceen in awoodda Al Shabaab sii bullaashay islamarkaana ay fashilmeen dhammaan isku dayadii lagu doonayay in lagu wiiqo ama lagu xakameeyo.

Faarax Macalin Dawaare oo ah xubin katirsan baarlamaanka dowladda Kenya ayaa wareysi uu ku bixiyay si aad ah ugu dhaliilay xukuumadaha ka jira Muqdisho iyo Nairobi oo uu sheegay in ay ku fashilmeen dagaalka ay kula jiraan Al Shabaab.

"Al Shabaab waa sii xoogeysanayaan maalinba maalinta ka dambaysa, waxay qabsadeen deegaanno katirsan Gaarisa,Faafan iyo Mandheera" ayuu yiri Faarax Macallin.

Wuxuu intaas ku daray in olole dagaaleedkii uu Xasan Gurguurte ku iclaamiyay Al Shabaab laba sano ka hor uu sababay in ciidamada dowladda ay wiiqmaan islamarkaana ay jihaadiyiinta Al Shabaab lasoo baxaan awood muuqata.

Axmed Ciise Cawad Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda DF-ka iyo guddoomiyihii guddiga doorashooyinka ayaa labaduba qiray in Shabaabul Mujaahidiin ay weli halis ku tahay ciidamada shisheeye iyo maamullada maqaar saarka ah ee ka jira Soomaaliya iyagoo meesha ka saaray sheegashooyinka beenta ah ee ay mas'uuliyiinta dowladda Xasan Sheekh ka jeediyaan warbaahinta.

Related Items

Update cookies preferences