Saldhigga ciidanka Itoobiya ee degmada Diinsoor oo weerar culus kala kulmay xoogag jihaadi ah.

Wednesday May 29, 2024 - 16:29:00
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya gobolka Baay ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar cusub lagu qaaday mid ka mida saldhigga ciidamada Xabashida Itoobiya.
Dagaalyahanno aad u hubaysan oo katirsan Al Shabaab ayaa weerar culus ku miray saldhigga ciidanka Itoobiya ee degmada Diinsoor.

Weerarka kadib waxaa billaawday iska hor'imaad xooggan oo udhaxeeyay jihaadiyiinta Al Shabaab iyo ciidamada Xabashida Itoobiya.

Weerarada ka dhanka ah ciidamada Itoobiya ee xoogga ku jooga gobollada Baay iyo Bakool ayaa sii xoogeysanayay bilihii lasoo dhaafay.

Related Items

Update cookies preferences