Al Shabaab oo weerar khasaara dhaliyay ka fuliyay xuduud beenaadka Itoobiya iyo Soomaaliya.

Monday June 03, 2024 - 14:09:51
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar culus lagu qaaday maleeshiyaad dabadhilifyo ah xilli ay ku sugnaayeen deegaan kaabiga ku haya xuduud beenaadka.
Dagaalyahanno katirsan Shabaabul Mujaahidiin ayaa weerar ku kediyay maleeshiyaad ku sugnaa deegaanka Siifaan ee kaabiga ku hayay xuduud beenaadka uu gobolka Bakool la wadaago dhulka Soomaaligalbeed ee Itoobiya gummeysato.

Ugu yaraan 1 askari ayaa ku dhintay weerarka halka mid kale uu dhaawac soo gaaray, dhinacyada jihaadiyiinta Al Shabaab ayaa weeraro ku miray saldhigyada ay ciidamada ATMIS ku leeyihiin deegaannada Buula Mareer iyo Golweyn oo kawada tirsan Sh/hoose.

Related Items

Update cookies preferences