Mustafa Dhuxuloow oo yiri "Al Shabaab Jihaadki Ayay Ka Leexdeen"!

Friday January 30, 2015 - 11:02:43
Super Admin
Sii haya wasiirka warfaafinta dowlada Federaalka Mustafa Dhuxloow ayaa markii ugu horraysay u hadlay sida wadaada xumayaasha Soomaaliya ee la shaqeeya gumeystaha dalka kusoo duulay.


Dhuxuloow oo warbaahinta lahadlay ayaa ka shanqariyay hadal dad badan ka yaabiyay oo aan looga baran siyaasiyiinta calmaaniga ah isagoona iska dhigayay sheikh diinta islaamka waxka yaqaan.

"Al Shabaab Jihaadki ayay ka leexdeen” ayuu yiri isagoo ka barbar hadlayay Nin lagu magacaabo Zakariye Ismaaciil oo safka mujaahidiinta inta ka baxay cadawga ku biiray.

Dhuxuloow oo ah Calmaani Lebareeli aan waxba ka aqoon diinta islaamka ayaa ku hadaaqay "Al Shabaab Jihaadka ayay ka leexdeen”,wasiirka warfaafinta ayaa isagoo iska dhigaya sheikh wuxuu shabaabul Mujaahidiin ugu baaqay in ay hubka dhigaan ayna la midoobaan Xabashida Itoobiya iyo Kenya!.

Dad badan ayaa isweydiiyay sababta Dhuxloow ku riixday in uu jihaad soo hadal qaado iyadoo lawada ogyahay in uu kamid yihiin siyaasiyiinta DF-ka katisan ee asal ahaan calmaaniyadda qaatay.

Dadka qaar ayaa aaminsan in xubno katirsan wadaada xumayaasha oo DF-ka katirsan ay dhuxuloow fareen in uu soo hadal qaado jihaad,tusaale ahaan haddii hadalkan uu kasoo yeeri lahaa siyaasiyiin horay uga tirsanaa tayaarka salafiga ah sida Daahir Maxamuud Gelle ama ugaas Axmed Bile layaab ma ahaateen ee hadalku wuxuu kasoo yeero Calmaani cafin ah.

jhon Kerry Wasiirka arrimaha dibada Mareykanka ayaa sanaddii lasoo dhaafay shir ka dhacay magaalada Jiddah wuxuu ka sheegay in Dowladda Islaamiga ah IS aysan Muslimiin aheyn,halka Obama uu yiri "ISIS islaam sax ah ma heysato".

Waxaa kasii darneed Mareykanka ayaa markii ay dileen sheekh Osama Bin Laden waxay diideen in sheekhu shahiiday "Bin Laden Ma shahiidin mana heysan islaam sax ah" sidaasi waxaa yiri Obama.

Si kastaba ha ahaatee warka kasoo yeeray Mustafa dhuxuloow ayaa banaanka soo dhigaya heerka uu gaarsiisanyahay fashilka Ictisaam iyo wadaada xumayaasha kale oo dacaayaadkii ay ka faafinayeen jihaadka Soomaaliya uu kusoo koobmay in calmaaniyiintii asalka ahaa ay usoo meeriyaan erayo uusan afkoodu qaban Karin.

Related Items

Update cookies preferences