Midowga Afrika iyo Beesha Caalamka Oo Magacaabay Guddi dedejin Doona Ka Bixitaanka Ciidanka AMISOM Ee Soomaaliya [Warbixin].

Thursday September 07, 2017 - 11:59:14
Super Admin
Mas'uuliyiinta ugu sarraysa Ururka Midowga Afrika ayaa xaqiijiyay in go'aan kama dambeys ah laga gaaray bixitaanka ciidamada AMISOM ee Duullaanka ku jooga dalka Soomaaliya


11 Sanadood Kadib oo dagaallo faraha looga gubtay ay uga jireen dalka ayay ciidamada shisheeye ee Jinsiyadaha kala duwan leh isaga baxayaan inta badan magaalooyinka iyo deegaanada ay uga suganyihiin Koonfurta iyo bartamaha Soomaalida sida lagu xaqiijiyay war kasoo baxay Ururka AU.

Saraakiil ka tirsan Ururka Midowga Afrika (AU) ayaa sheegay in laysku raacay  dhisidda  Koox khubaro ah oo ay ku jiraan Saraakiil ka socda Dowladaha ay ciidamadoodu kusoo duuleen Soomaaliya si ay uga shaqeeyaan kabixitaanka damaba dambeysta ah ee ciidamada AMISOM ka sameyn doonaan dalka Soomaaliya.

Kooxdaasi ayaa la filayaa in ay isla dejiyaan qaababka ay Ciiddanka AMISOM uga bixi doonaan dalka Somalia marka la gaaro 31-ka bisha May ee sannadka soo socda ee 2018-ka.

Istaraatijiyadda Ka bixitaanka Ciiddankaasi ayaa la sameeyey. Kadib, markii golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Ururka Midowga Afrika ku baaqeen dardar-gelinta qorshaha lagula baxayo Ciiddanka AMISOM, kuwaasi oo Somalia joogay tan iyo sannadkii 2007-dii.

Dhinaca kale, Guddiga Isku xirka Hawlgalladda Milliteriga ee AMISOM ayaa ku baaqay in la yareeyo Ciiddanka AMISOM iyo in ay mas’uuliyadda Ammaanka ku wareejiyaan Ciiddanka DF-ka Federaalka ee magacooda loosoo gaabiyo  (SNSF).

Kulanka Guddigaasi oo maalintii Talaadada ee la soo dhaafay ka dhacay magaalladda Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa waxaa kasoo qeyb galay Taliyayaasha Ciiddanka Difaaca ee Dowladaha Somalia, Jabuuti, Ethiopia, Kenya, Nigeria and Uganda) iyo Wakiilo ka socday waxa loogu yeero deeq bixiyaasha caalamka oo loola jeedo Mareykanka iyo Midowga Yurub oo ah kuwa maalgeliya ciidamada duullaanka ku jooga dalka Soomaaliya.

Kulankaasi ayaa waxaa lagu heshiiyey inay Khubaradu ka shaqeyn doonaan go’aan ka qaadashadda iyo Faahfaahinta Qorshaha Ciiddanka AMISOM looga saari doono dalka Soomaaliya marka la gaaro bsiha May 31-da ee sannadka soo socda ee 2018-ka.

Ilo wareedyo mas'uul ah ayaa wakaaladaha wararka u sheegay in dowlaha bixiya qarashka AMISOM ay Midowga Afrika cadaadis ku saarayaan in si degdeg ah loo dhimo ciidamada ku sugan Soomaaliya, sidoo kale weerarada joogtada noqday ee Al Shabaab ay ku naafaynayso ciidamada shisheeye ayaa qeyb ka ah soo dadajinta bixitaanka AMISOM.

Falanqeeyayaal ayaa aaminsan in DF-ka aysan heli doonin ciidamo buuxiya magaalooyinka iyo degmooyinada ay isaga baxaan ciidamada shisheeye, dowladda Federaalka waxaa hareeyay musuq maasuq iyo dacfi dhan walba ah, ciidamada Al Shabaab ayaa ah kuwa guul sugayaal ah oo muddo 10 sanadood kabadan dagaal Jabhadeyn ah kula jiray ku dhawaad 100-kun oo askar Afrikaan ah kuwaas oo badankood ka socda wadamada Itoobiya iyo Kenya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items

Update cookies preferences