Xasan Sheekh "itoobiya Waa Walaalaheen Hilibkeenna ayaa isku yaalla " Dhageyso

Saturday May 31, 2014 - 18:36:49
10079
Super Admin
Hoggamiyaha DF-ka Soomaaliya
Hoggamiyaha DF-ka Soomaaliya
Maanta Itoobiya waxay isku aragtaa in Soomaaliya ay milkisay taasna waxaa caddeyn u ah in Xafladihii Dalkeeda ka dhacayay qaarkood lagu qabto Magaalooyinka Dalkaan Soomaaliya wadnaha ama udub dhexaadka u ah.
Arbaco 28,05 ,2014 Safaaradda Itooobiya ee Muqdisho waxaa ka dhacday Munaasibad loogu Dabbaal degayay sanad guuradii 23 aad ee ka soo wareegatay markii xukunka laga riday Maaxweynihii hore ee Itoobiya Mingiste Xeyle Maryam.


Waa maalin Maamulkii talada xoogga ku qabsaday ee Melis Zanawi horkacayay ugu magac dareen Itoobiyada cusub eraygaas oo leh micno wejjiyo badan oo doqon ma garato ah.

Munaasabad tan Muqdisho la mid ah waxaa lagu qabtay Beledweyne oo ka mid ah magaalooyinka Soomaaliya ee Xabishida iyo Tigreegu sanado ka hor ku qabsadeen hadafkooda ah in ay badda cas iyo tan india ee dalkaan ku taabaan.

Waa markii ugu horeeysay ee Itoobiya Munaaibado Maataneynaya Muqisho iyo addis ababa qabato waxaana oran karnaa xafladaanu waxay ahayd u dabaal degidda Magaalooyinka iyo dhulka kale ee Baaxadda weyn ee dhowrkii sano ee aanu dhaafnay u gacan galay cadawga waqti dheer ku doodayay in Soomaalidu yihiin falaaago qoyska Itoobiya ka tirsan.

Munaasibadda Muqdisho Xabishada iyo tigreegu ku dhigteen waxaa joogay danjirahooda Soomaaliya iyo saraakiil kale oo shirqoolada Siyaasadeed, midda dhaqan iyo tan Diineed ee Soomaalida loo maleegayo si dad badan iyo si muuqataba Caasimadda uga wada.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Shisheeyuhu ku dhisay Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu ka mid ahaa la casuumayaasha Munaasibadda joogay waxaanuu si cad u sheegay in aan loo baahneyn in Soomaalidu ciidan dhisato taas bedelkeedana tacliinta iyo Caafimaadka iyo biyahaasi xoogga la saaro.

Waxa uu hadlayay waqti Itoobiya kumaanan ciidamadeeda ka mid ah qabsadeen magaalooyin badan oo Soomaaliya ka mid ah marka laga soo tago dhulkii iyo dadkii ay horay u haysatay.

Magaalooyinkaas waxaa ka mid ah Baydhabo, qansax dheere, Xudur, waajid, berdaale, Beledweyne, Maxaas, Ceelbuur, Dhuuso mareeb iyo guri ceel iyo meelo kale.

"Soomaaliya waxay soo martay mar ay boqolkiiba todobaatan dhaqaalaha ku bixi jirtay dhismaha ciidanka tacliintana boqolkiiba labo ayuu yiri xasan Sheekh maxamuud.

Halkan ka dhageyso Xasan Sheekh MP3

Inkastooy halyaay foolatiyo geesi hami weyn leh,

oy habtooy horaad siiso oo waayo badan hayso,

Haan biyo ah mid ay dhaantabey hooyo dihataaye,

Gumeystuhu markuu kugu habsado kuna hujuumaayo

hanfadiyo ninkii doqon ahaa waa u howl fuline,

heeryada markuu saarayey u hambalyeeyaane,

hayin aan dududeyn iyo ka dhigan hebed la maalaaye,

hiddihii Islaamkiyo ka tage helinki toosnaaye,

haruub looma buuxsho kolnee waa hambe u jooge,

halgamaaga wey neceb yihiin horuu socodkaaye,

hiirtaanyo wixii nagu ridaa horumarkoodaaye,

waa niman hurdaayoon marnaba soo hambaabirine.

WD: Cabdulaahi Yaasiin Jaamac (Cabdulaahi-soomaali).


Related Items

Update cookies preferences