Farmaajo Damqasho dhawaa marka qof Kenyaati ah waxyeello gaarto!

Wednesday May 06, 2020 - 12:26:35
Liibaan Jeexoow
Max'med Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha dowladda Federaalka ayaa ka damqaday laba qof Kenyaan ah oo maalin ka hor ku dhintay diyaarad lagusoo riday Koonfurta dalka Soomaaliya.


12 saacadood kamasoo wareegin markii duuliye in Inijineer Kenyaan ah ay ku dhinteen diyaarad ku burburtay degmada Bardaale ee gobolka Baay, Farmaajo ayaa durbadiiba khadka taleefanka kula xiriiray Uhuru Kenyaatta madaxweynaha Kenya.

Sida ay xaqiijisay wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Nairobi Farmaajo isaga ayaa wacay madaxweynaha Kenya wuxuuna uga tacziyeeyay labadii qof ee ku dhintay diyaaraddii Bardaale lagusoo riday.

Madaxweynaha dowladda Federaalka ayaa dowladda Kenya u ogolaaday in khubaro qaabilsan saadaasha hawada ay usoo diraan Soomaaliya isagoo muujiyay sida uu uga murugaysanyahay dadkii Kenyaatiga ahaa ee goobta ku dhintay marnaba ma muujin tacaaduf uu kula duubanayo soomaalidii shilka ku dhintay.

Waxaa isweydiin mudan Farmaajo waligiis kama hadlin kamana tacziyayn shacabka Soomaaliyeed ee diyaaradaha Mareykanka iyo Kenya ku xasuuqayaan Koonfurta Soomaaliya ee muxuu sidaan tacsida ula degdegay?, diyaaradaha Kenya waxay gummaadka ugu daran ka geystaan gobolka Gedo ee dhaca xuduud beenaadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo NFD, dadka halkaas lagu xasuuqayo waa dadkii uu Farmaajo ka dhashay.
Melleteriga Kenya ayaa Beled Xaawo iyo Ceelwaaq duqeymo ka geysanaya,xadgudubyadaas waligiis kama garaabin Uhu Kenyatta oo ciidankiisu yihiin kuwa dhibka gaysanaya.

Arrintan waxay banaanka soo dhigaysaa damqasha la'aanta madaxweyne Farmaajo ee shacabka Soomaaliyeed ee Kenya xasuuqa ku hayso,waxaa kale oo loo qaadan karaa in madaxweynaha DF uu shacabka Soomaalida ee uu ka dhashay ka jecelyahay shacabka Kenya.

Boqolaal qof oo ubadan xoola dhaqato iyo beeraleey ayay melleteriga Kenya ku dileen gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, warbaahinta ayaa lagu faafiyay sawirrada xoolo iyo dadkii watay oo si isku mid ah ay duqeeyeen diyaaradaha Kenya walina lama arkin madaxweyne Soomaaliya ka taliya oo cambaareeyay iskaba daay in uu u aargudo'e!.

Dowladaha ku dhaqmo sharciga Q.Midoobay waxay dhaqan geliyaan qodobada ay ku heshiiyeen ee ah in dal uusan dal dalkale faragelin ku samayn karin haddii dadkiisa lagu xadgudbanaya uun jawaab kulul ka bixinayo balse Soomaaliya sidaas ma ahan oo dowladaha dariska la ah ayaa ciidamadooda ku qabsanaya gobollada islamarkaana shacabkii xasuuqaya iyagoo soo dhowayn iyo marxabayn ka haysta kuwii sheeganayay sharciyadda dalka.

Marka si mug leh loo eego hab dhaqanka Farmaajo ee uu kula tacaamulayo Kenya waxay ka dhigantahay in uu ihaanaynayo shacabka soomaalida,shilkii Bardaale waxaa ku dhintay 4 qof Soomaali ah waxaa laburburiyay hanti soomaaliyeed, Farmaajo wuxuu garan waayay in uu Taczi udiro dadkii halkaas ku dhintay ee soomaalida ahaa taas bedelkeena wuxuu tacsi ula degdegay dad Kenyaan ah.

Melleteriga Kenya xasuuqa ay ugeysanayaan shacabka Soomaaliyeed iyo burburinta ay ku hayaan shirkadaha isgaarsiinta waxaa usharciyaynaya falcelinada madaxda DF-ka.

Shacabka Soomaaliyeed waxaa lagu salliday madax dabadhilifyo ah oo shisheeyaha kaba qaad u ah kuwaas malahan damiir diineed iyo xataa dadnimo, soomaalidii hore waxay ahaayeen kuwa iskala qab weyn gaalada laakin kuwaan waxayba ku faanayaan raalligelinta gaalada.

W/D Warfaa Kheyrdoon

Related Items

Update cookies preferences