DONALD YAMAMOTO MA XAAKIN (GOVERNOR) BAA MISE WAA SAFIIR (AMBASSADOR).

Thursday August 20, 2020 - 19:06:04
Liibaan Jeexoow
Waxaa horraantii sannadkii 2019kii ay dawladda Soomaaliya (Villa Somalia) ku soo eedeysay wakiilkii Qarammada Midoobay ee Soomaaliya Danjire Nicholas Haysom, dhalasho ahaanna ka soo jeeday dalka Koonfur Afrika in uu ku dhaqaaqay faragelin ka baxsan shaqadii loo soo idmaday.



Nicholas Haysom ayaa lagu soo saaray ereybixinta diblomaasiyadeed ee persona non-grata oo micno ahaan noqonaya qof haya shaqo diblomaasiayadeed oo aan laga soo dhaweyneyn dalkaa uu shaqada u joogo, lana doonayo in dib looga celiyo awoodda iyo oggolaanshaha uu ku joogo dalka uu ka shaqaynayo oo aan ahayn dalkiisii.

Runtii tallaabadan ayaa Villa Somalia u adeegsatay nidaam aan waafaqsanayn qaabka diblomaasiyadda, waayo persona non-grata looma adeegsado ergeyga (envoy) Qarammada Midoobay maaddaama Qarammada Midoobay ay tahay mid dal walba uu xubin ka yahay, shaqada ay hayaan ergooyinka ka socda Qarammada Midoobayna uu dal walba qayb ka yahay, sidaa darteed dalkii diida ama aan soo dhaweyn ergooyinka Qarammada Midoobay waa dal ka baxay ama dib u la noqday xubinimadii uu ku lahaa Qarammada Midoobay.

Eedeymihii loo soo jeediyey Hayson, laguna dacweeyey kuwo ka daran ayaa uu ku dhaqaaqay safiirka dalka Maraykanka ee lagu magacaabo Donald Yamamoto, waxaana muuqata in si ka baxsan shaqada uu u joogo Soomaaliya oo ah in uu ilaaliyo danaha gaarka ah ee dalka Maraykanka ee Soomaaliya kala dhexeeya, balse tallaabo siyaasadeed ama mid diblomaasiyadeed oo uusan xaq u lahayn ku dhaqaaqa maalin walba, amarranna siiya madaxda Soomaalida heer kasta ha lahaadeene.

Haddii Villa Somalia ay adeegsanayso persona non-grata waxaa ku habboon in loo adeegsado safiir dal waayo Yamamoto oo ah safiirka Maraykanka ee Soomaaliya u ma leh awood diblomaasiyadeed in uu amarro siiyo geeddisocodka siyaasadeed ee Soomaaliya (political procedure), balse waxa uu u joogaa Soomaaliya ilaalinta iyo ka war haynta danaha dalkiisa, waayo Yamamoto nidaamka diblomaasiyadeed ee uu dalka ku joogo waa xiriir diblomaasiyadeed oo laba dal ka dhexeeya (bilateral relationship), nidaamka persona non-grata isaga ayuu qabanayaa, nidaamka dalka ka arrimiyaana awood ayuu u leeyahay in uu dalka ka saaro, kana dalbado dalka Maraykanka in uu beddelo haddii uu danaynayo in xiriirka labada dali sii socdo.

Haddaba haddii aan taasi muuqan oo in tallaabo diblomaasiyadeed laga qaado iskaba daaye ay adag tahay in jawaab diblomaasiyadeed (Diplomatic response) falalkiisa laga bixiyo maxaa diidaya in uu yahay xaakim (governor) dalka awood siyaasadeed ku leh jaangooyada siyaasadda ee dalkana isagu majaraha u hayo?. Taasi waa mid la mid ah shaqadii ay Soomaaliya u joogeen xaakimmaddii Ingiriiska iyo ergadii Talyaaniga ahaa Golaha Latalinta (Advisory Council) sannadihii 1950-1960kii ee joogay Koonfurta iyo Waqooyiga Soomaaliya oo midba mar noo imanayey ragggan kala ahaa Giovanni Fornari (1950 ilaa 1953kii), Enrico Martino (1953 ilaa 1957kii), Enrico Anzillotti (1957 ilaa 1958kii) iyo Mario di Stefano (1958 ilaa 1960kii), ayaa ku sugnaa Muqdisho. Waqooyiga Soomaaliyana waxa isu beddelay oo xaakimmo ka ahaa raggan kala ahaa Gerald Thomas (1948kii), Gerald Reece (1954kii), Theodore Pike (1959kii) iyo Douglas Hall (1960kii).

Ugu dambayntii waxba kama duwanna in raggan uu la mid yahay Yamamoto iyo kooxda kale ee magaca loo qurxiyey loona bixiyey daneeyeyaasha arrimaha Soomaaliya (stakeholders) ay yihiin xaakimmo dalka xukuma, maxmiyad (trusteeship) aan mas’uul lahaan karrinna dalka la geliye balse dadka lagu khaldayo niman maalin walba mid cusub oo shaqadii uu dibadaha ka haye ay dhammaatay la keenayo, dadkana madax aan awood lahayn, waxna qaban karin looga dhigayo, wakhtigana lagaga dhammaynayo.

W/Q Suldaan Garyare

Related Items

Update cookies preferences