Maxay yihiin labada qodob ee ay ka wada hadleen Somaliland iyo madaxweynaha maamulka Jigjiga [Warbixin].

Monday November 29, 2021 - 13:01:09
Liibaan Jeexoow
Kadib safar dheer oo uu ku yimid deegaannada 'Somaliland' madaxweynaha maamulka dhulka Soomaaligalbeed ee gummeysiga kujira ninka lagu magacaabo Mustafe Muxumed Cumar iyo wafti uu hoggaaminayay ayaa kusoo dhammaadey is afgarad.

Weftigan ayay mas'uuliyiin katirsan mamaulka 'Somaliland' kaga hor tageen magaalo ganacsiyeedka Wajaale. Muddo ka dibna waxa ay soo gaadheen Hargeysa oo ay kula kulmeen Muuse Biixi.

Socdaalka waftigan oo hadal hayn badan dhaliyey xilli Itoobiya ay ku jirto xaalad colaadeed ayaa la saadaalinayey in lagawada hadlo xaaladda Geeska Afrika iyo sida dawladaha Itoobiya la jaarka ahi ay ula falgeli lahaayeen dagaallada hal sano jirsadey ee u dhaxeeya xukuumadda Abiy Axmed iyo fallaagada Tigreega.

Haddaba war saxaafadeed ay si wada jir ah labada maamul usoo saareen ayaa lagu sheegay in laga wada hadley laba qodob oo kala ah "Amniga iyo Ganacsiga”.

Waxa kale oo war murtiyeedku tibaaxayay sidii ay dawladda Itoobiya uga faa’iideysan lahayd dekedda Berbera oo dhawaan uun la horumariyey loona sameeyay waddo isku xidha Berbera iyo maamulka deegaanka Soomaalida ee Itoobiya gummeysato.

Dekadda Berbera ayaa xukuumadda Addis Ababa lagasiiyay saami dhan 19% sida ku cad heshiiskii shirkadda DP World lagula wareejinayay dekadda arrinkaas oo dad badani u arkaan mid boob ah balse maamulka Muuse Biixi ayaan marnaba arrintaas kala hadlin Mustafa Cagjar.

Raysal wasaare Abiy Axmed oo beryahan xaalku ku xumaa ayaa geeska Afrika ka raadsanaya saaxiibbo siyaasadeed kadib markii Mareykanka iyo reer galbeedka ay ka sii jeesteen. Dhanka kale warbaahinta Itoobiya ayaa baahisay war sheegaya in madaxweynaha 'Somaliland' uu taageersan yahay dagaalka lagu tirtirayo kooxda TPLF.

Telefeshinka rasmiga ah ee Afka dowladda Itoobiya ku hadlaya ayaa laga baahiyay warbixin sheegaysa in Muuse Biixi uu si dhab ah utaageeray dagaalka ka dhanka ah fallaagada Tigreega.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

Update cookies preferences