Sidee Maxkamada shareecada Islaamka ee Banaadir ay ku kala xukuntay dhul muddo la isku heystay oo ku yaalla degmada Dayniile? [dhageyso].

Thursday December 02, 2021 - 18:23:35
11181
Liibaan Jeexoow
Maxkamada Shareecada Islaamka ee Radul Madaalim qeybteeda gobolka Banaadir ayaa fulisay xukuno Islaami ah oo dhowr ah kuwaas oo lagu kala xukumay dhulal iyo boosas ay isku haysteen dad Muslimiin ah.
Dhulalkan iyo boosaskan oo ku yaalla Magaalada Muqdisho iyo duleedyadeeda wuxuu dhageysigeeda uu socday dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay.

Maxkamada Radul Madaalim ayaa xukuntay 11 gal dacwadeed kuwaas oo dadkii isku haystay dhulalkaas loogu kala xukumay si waafaqsan shareecada Islaamka.

Hadaba waxaan idiin soo gudbin doonaa xukunadii ay riday Maxkamada Radul Madaalim, waxaad imika kusoo dhawaataan xukunkii 3aad oo laga soo saaray dhul muddo dheer lagu muransanaa oo ku yaalla degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho, dhulkan ayaa ahaa mid muddo sanada ah milkiyaddiisa laysku haystay balse ugu dambayntii ayaa xal laga gaaray.

Halkan ka dhageyso xukunka 3aad ee maxkamadda MP3

Related Items

Update cookies preferences