Daawo: Gaadiid Al Shabaab gubeen oo ay ciidamada dowladdu iskusoo sawireen.

Tuesday September 27, 2022 - 08:23:10
Liibaan Jeexoow
Khasaara lixaad leh ayaa maleeshiyaadka dowladda Federaalka kasoo gaaray weerar culus oo xalay maqribkii lagula beegsaday deegaan dhanka galbeed uga beegan magaalada Buula Burde.
Sida aan xogta ku helnay illaa 2 gaari oo nuuca dagaalka ah ayaa maleeshiyaadka Danab looga gubay wadada xiriirisa Buq-Aqable iyo Buula Burde.
Gaadiidkan oo dagaalyahannada Al Shabaab ay laheleen qaraxyo iyo gantaallada garbaha laga gemo ayaa basbeelay, si ay uduugaan khasaaraha muuqda ee soo gaaray ayay sawirro kasoo qaadeen iyagoo ka dhigaya in gaadiidkan laga gubay Shabaabul Mujaahidiin.

DF-ka ayaa baraha bulshada ku faafisay sawirrada gaadiidka laga gubay arrinkaas oo banaanka soo dhigaya sida ay ugu fashilmeen marin habaabinta bulshada.

Hoos ka daawo sawirrada gaadiidka dowladda laga gubay ee ay soo sawireen

Related Items

Update cookies preferences