Sawirro: Wasiir katirsanaa maamulka Koonfur Galbeed oo si dirqi ah ku badbaaday.

Tuesday September 27, 2022 - 16:24:42
Liibaan Jeexoow
Wasiirka warfaafinta koonfurgalbeed Ilyaas Cali Niikiyoow ayaa shalay si dirqi ah uga badbaaday inuu ku dhaco gacanta dagaalyahannada Al Shabaab wuxuuna kasoo cararay ilaaladiisii gaarka aheyd iyo ciyaalkii uu kusoo tashkiiliyey in muuqaallo loo soo duubo bartiisa TIKTOK.
Dagaallo culus oo shalay ka dhacay deegaanka Seydheeloow ee gobolka Baay ayaa sababay dhimashada ku dhowaad 15 askari halka labaatameeyo kale ay ku dhaawacmeen.

Degmada Labaatan Jiroow ayaa lagusoo bandhigay meydadka 12 askari oo lagu dilay dagaalkii shalay Seydheeloow ka dhacay, ciidamada wilaayada islaamiga Bay ayaa si adag udifaacday dhammaan deegaannadii lagu dagaallamay oo dhaca duleedyada Baydhabo.

Hoos ka daawo sawirrada.

Related Items

Update cookies preferences