Madaxweyne Gurguurte si yaab leh uga hadlay weerarkii ka dhacay Villa Rossa ee naftiisa halista geliyay [Warbixin].

Saturday December 10, 2022 - 16:28:03
Liibaan Jeexoow
Madaxweynaha DF ayaa ayaa si ka duwan sidii ay sheegeysay warbaahintiisa uga hadlay weerarkii ka dhacay xeyndaabka madaxtooyada 28-kii November 2022, kaasoo socday muddo ku dhow 24 saacadood. Warkan oo uu daabacay wargeyska The Guardian ee kasoo baxa dalka Ingiriiska ayaa weerarkii madaxtooyo ku tilmaamay mid "argagixiso"
Wuxuu sheegay in uu xafiiskiisa ka maqlayay weerarka iyo dhawaqa rasaasta illaa uu markii dambe aaday shir ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Qorsheynta oo dhacay maalinkii labaad ee uu weerarku socday, laakin shirku ma dhicin habeen barkii wuxuuna ka gaabsaday inuu ka hadlo waxa xilligaasi ka bixiyay madaxtooyada ee geeyay Xalane. "Habeenkii oo dhan waxaan maqlayay rasaasta, weerarkuna wuu socay marka uu shirku furmayay, illaa laga soo afjaray” sidaasi waxaa ku nuuxnuuxsaday Xassan Sheekh.

Sida hadalkiisa laga dheehanayay wuxuu muujiyay in shirkii maalgashiga ee uu ka qeyb galayay xilligii uu weerarku socday uu ahaa mid uu isku dhaafinayay murugada iyo jahwareerka: "Maxaan shirka u furay maalintaas? Waxaan rabnay inaan diidno inaan isku dhiibno xeeladaha cabsi-gelinta argagixisada. Soomaaliya oo kaliya ma ahan tusaalaha rabshado iyo dowlad fashilantay, sheekooyin kale ayaa jira” ayuu yiri Xassan Sheekh.

Marka uu hadalkaasi sheegayo wuxuu si cad isaga indhatiray in weerarkii madaxtooyada uu baajiyay kulankii labada aqal ee Baarlamaanku ay yeelan lahaayeen iyo booqashada saraakiil ajnabi ah oo ugu iman lahaa xafiiskiisii uu ka qaxay. Khasaarihii baaxadda lahaa ee ka dhashay weerarka ayuu sheegay inuu ka xunyahay kana murugooday.

Ciidamada Xarakada Al-Shabaab weerarka ku qaaday madaxtooyada ayaa garneyllo ku garaacay xafiiska Xassan Sheekh soona gaarsiiyay burbur xooggan oo illaa haatan lala tacaalayo, waxaa daatay muraayadihii sidoo kale burbur ayaa gaaray qeybo kamid ah dhismaha kaasoo loo diiday saxaafadda si ay u sawiraan.

Dowladda Federaalka ayaa in badan meelaha ay ka taliso ka dhaqan galisay heshiisyo ay la gashay dowladaha reer Galbeedka, waxay toos u qaadatay Dimuqraadiyadda iyo qawaaniin ay maalgaliyeen dowladahaas, sidaa darteed wuxuu madaxweynuhu u muuqday mid ku beer laxawsanaya oo u sheegaya iney la arkaan halista uu ku sugan yahay.

Wuxuu ku cataabay inuu muddo dhowr goor ka ka badbaaday falal isku day dil ah oo ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku doonayeen iney ku khaarajiyaan wuxuuna xusay in isku daygii koowaad uu dhacay maalintii ugu horraysay ee uu xafiiska yimid, midka labaadna lagula beegsaday madaxtooyada gudaheeda, halka kan sadaxaad uu ka dhacay meel u dhow Marko oo ay kamiin ugu dhigeen ciidamada milatariga ee wilaayada Sh/hoose. Weerarkii todobaadkii dhawaa ayaa ka dhigan in muddo 4 goor ah ay halis gashay nolosha Xassan Sheekh.

Xassan Sheekh ayaa dhex maquuranaya xaalad jahwareer ah iyo fashil dhinac kasta ah, waxaana uu isku dayayaa inuu guuldarrooyinkiisii mar walba ku qariyo sheegashadiisa ku aadan inuu dagaal kula jiro Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, wuxuu culeyso kala kulmayaa siyaasiyiin mucaarad ah oo uu qaarkood mooryaan ku kiciyay kuna carqaladeeyay markii ay madaxtooyada maamulayeen.

Xarakada Al-Shabaab ayaa la isku raacsan yahay in ay ka awood badan tahay sidii ay ahayd markii uu Xassan Sheekh ka badbaadayay saddaxdii isku day ee ay ku doonayeen iney ku khaarajiyaan, waxaana ugu dambeyntii uu hadalkiisan kusoo aadayaa iyadoo ay siyaasiyiin badan shaki ka muuiiyeen weerarkii Villa Ross jawaab cadna ka dalbadeen dowladdiisa.

Xigasho: Radio Alfurqaan

Related Items

Update cookies preferences