Sawirro: Sidaan ayay Jihaadiyiintu ula wareegeen saldhigyadii ciidanka 'Jubbaland' ee deegaanka Baar Sanguuni.

Friday February 17, 2023 - 10:55:30
MeMO Staff
Mu'asasada Alkataa'ib oo ah garabka warbaahineed ee Xarakada Al-Shabaab ayaa baahisay sawirrada weerarkii cagta lagu mariyey xeryihii maleeshiyaatka Federaalka iyo kuwa Axmad Madoobe ay ku lahaayeen deegaanka Baar Sanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo.
Weerarkan oo lagu dilay ugu yaraan 36 askari laguna dhaawacay tiro kale ayay jihaadiyiintu shalay aroornimadii waxay ku qaadeen xeryahaasi waxayna  kusoo qabsadeen hub iyo saanado ciidan.

Sawirrada ayaa lagu arkayaa sida ciidanka Al-Shabaab ula wareegeen xerada, una laayeen ciidankii ku sugnaa iyo dagaalyahannada oo soo daabulanaya agabkii yaallay xeradaasi.

Halkaan ka daawo Sawirrada

Related Items

Update cookies preferences