Video+Sawirro: Meydadka Ciidankii Itoobiya ee lagu dilay weerarkii garoonka Waajid.

Tuesday July 25, 2023 - 20:04:58
Liibaan Jeexoow
Xafiiska warfaafinta Al Shabaab ayaa faafiyay sawirrada askar Itoobiyaan ah oo lagu dilay weerarkii cuslaa ee maanta ka dhacay degmada Waajid gobolka Bakool.
Sawirrada lafaafiyay waxaa lagu arkayaa saanad hub ah oo lagasoo furtay ciidamada Xabashida iyo meydadka 2 askari Itoobiyaan ah.

Al Shabaab ayaa war ay soo saareen ku sheegay in weerar jidgal ah oo ka dhacay inta udhaxaysa madaarka Waajid iyo saldhigga ciidanka Xabashida lagu dilay ugu yaraan 8 askari Itoobiyaan ah.

Dhinaca kale Channelka wararka Alkata'ib ayaa baahiyay muuqaal kooban oo lagusoo bandhigayo weerarkii ciidanka Itoobiya lagula beegsaday degmada Waajid.

Related Items

Update cookies preferences