Sawirro: Beesha Habar Gidir ee Jubbooyinka oo Suldaan cusub Caleema saaratay.

Tuesday August 08, 2023 - 13:21:25
Liibaan Jeexoow
Xaflad heer sare ah oo ka dhacday degmada Jilib ee wilaayada islaamiga ah ee Jubbooyinka ayay beesha Habargidir oo ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ee dega Jubbooyinka, ku caleema saaratay suldaan cusub oo ku hoggaamiya ku dhaqanka shareecada islaamka.
Xafladda caleema saarka suldaanka beesha Habargidir ee Jubbooyinka oo uu ka muuqday juhdi xoogan oo ay beeshu galisay maamuuska suldaanka cusub ayaa ka dhacday hool qurux badan oo lagu xardhay raayaadka Rasuulka SCW, ubaxyo iyo agabyo kale, waxayna beesha Habargidir ee degta Jubooyinka suldaan cusub u caleema saaratay suldaan Cabdullaahi Maxamuud Shuuriye (Cl/llaahi Dheeri, kaddib markii duqayn cadowtooyo oo 19-kii January 2021-kii uu Maraykanku ka fuliyay duleedka degmada Jammaame ee isla Jubbooyinka uu ku shahiiday suldaankii Habargidir ee Jubbooyinka, suldaan Maxamed Cabbaas Diirshe, Allaah ha u naxariistee.

Madasha caleema saarka suldaanka cusub, waxaa laga jeediyay kalimaad kala duwan oo u badnaa soo dhawaynta suldaanka, maamulka wilaayada islaamiga ah ee Jubbooyinka ayaana suldaanka guddoonsiiyay Kitaabka Qur’aanka kariimka, raayada Rasuulka SCW, qori iyo boosh iyo baabuur cusub iyo furihiisa.

Related Items

Update cookies preferences