Sedax katirsan dalalka galbeedka Afrika oo sameystay isbahaysi Siyaasadeed.

Tuesday September 19, 2023 - 12:27:03
Liibaan Jeexoow
Dowladaha ugu muhiimsan mandiqadda Saaxilka qaaradda Afrika ayaa ku dhawaaqay in ay sameysteen isbahaysi siyaasadeed oo cusub.
Kadib kulan ka dhacay magaalada Bomako ee caasimadda dalka Maali ayaa lagu iclaamiyay taxaaluf cusub oo ka dhan ah danaha dowladaha reergalbeedka ee galbeedka qaaradda Afrika.

Shirkan oo ay xaadir ku ahaayeen wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka kala ah Niger,Burkina Faso iyo Maali ayaa qodobadii lagasoo saaray waxaa kamid ah in ay masaalix mideysan leeyihiin sedaxdan dal waxayna iska kaashan doonaan arrimaha difaaca,amniga,dhaqaalaha iyo siyaasadda arrimaha dibadda.

Dowladahan sedaxda ah ee isbahaysiga sameystay dhammaantood waxaa ka dhacay Inqilaab melleteri waxayna xiriirka ujareen dowladda Faransiiska.

Related Items

Update cookies preferences