Dagaalka Sahay gudbinta oo Ciidamada Itoobiya iyo Jabuuti Ka Mashquuliyay Soo Afjaridda Al Shabaab!.

Thursday January 08, 2015 - 18:59:27
Super Admin
Ku dhawaad 100-kun askar Afrikaan ah ayaa duullaan kusoo qaaday Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya
Ku dhawaad 100-kun askar Afrikaan ah ayaa duullaan kusoo qaaday Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya
Ciidanka shisheeye ee duullaanka kusoo qaaday Soomaaliya ayaa tiradooda lagu qiyaasaa 75-kun askari illaa iyo 80-kun badankooda waxay katirsanyihiin dowladda gumeysiga Itoobiya.


Dowladaha Uganda iyo Burundi ayaa ah labada dowladood ee ugu ciidanka badan soomaaliya marka Itoobiya lagasoo tago dhammaan ciidamadan Nasaarada ah waxay soomaaliya ugusoo duuleen ka hortagga ku dhaqanka
shareecada islaamka oo 4-tii sano ee lasoo dhaafay lagu maamulayay gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka.

Ciidamada tirada intaa la eg leh ayay ku adagtahay in ay si fudud sahayda isugu gubiyaan,wixii ka dambeeyay bishii maarso 2014 xiligaasi oo AMISOM iyo xabashida qabsadeen magaalooyin ay mujaahidiintu maamulayeen waxaa sii xoogeysanaya weerarada dhabagalka ah ee ciidamada shabaabul mujaahidiin waddooyinka u dhigayaan shisheeyaha.

Dhammaan magaalooyinkii ay ciidamada Itoobiya qabsadeen marka laga reebo magaalooyinka Buurhakaba iyo Baydhabo ayaa xaalad go’doon ah kujira majirto cid ka bixi karta iyo cid soo geli karta.

Tusaale ahaan Itoobiyaanka ku sugan Ceelbuur,Buurdhuubo,Waajid iyo Tayeegloow ma awoodaan in saadka ciidanka iyo raashinka ay si fudud uhelaan,ilo wareedyo ayaa sheegaya in marwalba oo ay doonayaan in ay raashin soo gudbistaan ay dhimasho u diyaariyaan 20 kamid ah askartooda taasi oo ka dhigan in xaalad quus ah ay taaganyihiin.

Maleeshiyaadka Jabuuti ee ku lug go’an degmada Buula Burde waa kuwa ugu daran ee  u saamoobay siyaasadda go’doominta ku salaysan ee shabaabul Mujaahidiin kula dhaqantay cadawgeeda.

Ciidan loo qorsheeyay baabi’inta Al Shabaab oo ka badin waayay difaacidda naftooda.

Dowladaha reer galbeedka ee dhaqaalaha malaayiinta dollar ah ku bixinaya duullaanka lagusoo qaaday Soomaaliya ayaa ku khasaaray kharash-ka ay bixinayaan haddii ay is lahaayeen ciidanka Afrikaanta calooshood u shaqeystayaasha ah u adeegsada baabi'inta mujaahidiinta xaalku sidaasi ma ahan.

Ciidamada gumeysiga Itoobiya iyo kuwa Jabuuti ee Soomaaliya ku sugan waxay shaqadooda ugu muhiimsan ka dhigteen soo gudbinta sahaydooda oo ah waxa ugu badan oo ay hadda qabtaan iskaba-daa in ay shabaabul mujaahidiin kula dagaalamaan tuulooyinka iyo dhulka howdka ah.

Khubarada melleteriga ayaa aaminsan in taaktiigga Al Shabaab ee dagaalka ku dhufo oo dhaqaaq uu yahay mid dhiigbax joogta ah u horseeday cadawga soo duulay.

Marka si qota dheer loo qiimeeyo qaabka ay u socdaan dagaallada soomaaliya waxaa muuqata in shababaabul Mujaahidiin ay mar hore u diyaar garoobeen dagaal waqti dheer qaata halka calooshood u shaqeystayaashu ay u taaganyihiin xaqiijinta hadaf mucayan ah sida Dowladda Federaalka oo la gaarsiiyo doorashooyin sanadda 2016-ka.

Afhayeenka ciidanka shabaabul Mujaahidiin Sheekh C/caziiz Abuu muscab ayaa horay u sheegay in ka mujaahidiin ahaan aysan qabin wax degdeg ah oo ku saabsan dagaalka ayna aaminsanyihiin in jihaadku uu sii socan doono illaa qiyaamaha.

Related Items

Update cookies preferences