Biden oo ka degaya Telaabiib si uu taageero ugu muujiyo maamulka Yuhuudda.

Wednesday October 18, 2023 - 14:33:08
Liibaan Jeexoow
Madaxweynaha Saliibiyiinta Mareykanka J. Biden ayaa safar ku tagey xarunta maamulka Yuhuudda ee Bariga dhexe.
Biden oo Netanyahu kula kulmay Telaabiib ayaa sheegay in u jeeddada safarkiisu tahay si uu caalamku u ogaado in ay garab u yihiin Yuhuudda.

Waxa kale oo uu ballan qaadey in Yuhuudda ay siin doonaan waxkasta oo ay uga baahdaan si looga hortago weerrarada xoogagga iska caabbinta ee Falastiiniyiinta.

Dhanka kale falalkii bahalnimo ee Yuhuuddu xaley ka geysteen cisbitaalka Macmadaani ee ku yaalla Qasa ayuu Biden ka fogeeyay Yuhuudda.
"Waan ka murugoodey mashaqadii xaley ka dhacdey cisbitaalka Macmadaani, waxaanan u malaynayaa in qolyo kale geysteen ee aaney idinka ahayn” ayuu yiri Biden.

Dhanka kale hoggaamiyaha Sahaayinada Netanyahu ayaa Biden uga mahadnaqey taageerada uu la garab taagan yahay isla markaana waxa uu caalamka ugu baaqey in ay u midoobaan sidii looga adkaan lahaa dadka deegaanka Qasa ee duullaanka lagu yahay.

Weerraradii Duufaanta Aqsa ee Xamaas ku qaadeen Yuhuuddu wuxu soo saarey wajiga dhabta ah ee Mareykanka iyo reergalbeedka kuwaas oo hore caalamka ugu harawsan jirey in ay ilaaliyaan xuquuqda aadanaha.

W/Q Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences