Sidaan ayaa dadka shacabka ah loogu xasuuqay duqeymihii ka dhacay degmada Bu'aale [Sawirro].

Tuesday October 24, 2023 - 12:38:25
Liibaan Jeexoow
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeymo culus oo diyaarado dagaal ay xalay ka geysteen degmada Bu'aale ee xarunta gobolka Jubbada dhexe.
Duqeymaha ayaa beegsaday madarasad ku taalla magaalada iyo guryo ay shacab dagan yihiin, waxaana inta la xaqiijiyey ku shahiidey hooyo iyo canug yar oo ay dhashay.

Idaacadda Andalus ee afka Xarakada Al Shabaab ku hadasha ayaa sheegtay in diyaaradaha duqeymaha geystay ay leedahay dowladda Mareykanka oo hoggaaminaysa isbahaysiga caalamiga ah ee duullaanka gardarrada ah kusoo qaaday Soomaaliya.

Bilihii lasoo dhaafay duqeymo ay dad badan ku dhinteen ayay diyaaradaha Mareykanka iyo kuwa Kenya ka geysanayaan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Hoos ka daawo sawirrada dadka lagu xasuuqay Bu'aale

Related Items

Update cookies preferences