12 sano kadib Webiga Shabeelle oo gaaray degmada Sablaale iyo deegaanka Haawaay.

Saturday December 23, 2023 - 17:38:47
Idriis Ali
Kadib dadaallo dheeraad ah oo uu guddiga beeraha Wilaayada Islaamiga ka sameeyay deegaanno hoos yimaad degmooyinka Kurtunwaareey iyo Sablaale ayuu ku guulaystay in biyaha webiga ay gaaraan deegaanno fog fog.
Markii ugu horraysay muddo 12 sano ah kadib ayay biyaha webiga Shabeelle gaareen degmada Sablaale iyo deegaanka Haawaay ee Sh/hoose.

Guddiga beeraha wilaayada Islaamiga iyo Beeralayda deegaanka ayaa inkabadan sanad waxay shaqo adag ka wadeen inta udhaxaysa deegaanka Dacaaraha iyo Sablaale halkaas oo uu ku ekaaday webiga sababa laxiriira carro duugtay wadadii ay biyaha webiga mari jireen.

Markii lagu guulaystay qodidda biya mareenkii asalka ahaa ee webiga ayaa sanadkan lahelay biyihii webiga.

Degmada Sablaale iyo deegaanka Haawaay ayaa 12 sano kadib helay biyaha webiga Shabeelle, Wariye booqday deegaannada ayaan soo sheegay in webiga Shabeelle uu hadda sidiisi caadiga aheyd kusoo laabtay waxaana lafilayaa in uu ku biyo shubo tuulada Dhaay Tubaako halkaas oo uu ku dari doono biyaha Badda.

Abaartii sanaddii Soomaaliya ka dhacday sanaddii 2011 ayaa sabab u aheyd in webigu uusan gaarin deegaannadan sababa laxiriira carro buuro isku bedeshay oo bedeshay dhabbihii ay biyuhu ku qulquli jireen.

Hoos ka daawo sawirro

Related Items

Update cookies preferences