Maxaabiis 20 sano ku xirnaa Xabsiga Guantanamo Bay oo Afghanistan lagusoo dhaweeye.

Monday February 12, 2024 - 16:43:22
Liibaan Jeexoow
20 sano kadib maxaabiis muslimiin mujaahidiin ah ayaa lagasoo daayay xabsiga fadeexadda ku caanbaxay ee Guantanamo Bay kaasi oo ah goob lagu tacdiibiyo maxaabiista muslimiinta.
Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa ku dhawaaqday in ay soo xoraystay labadan maxbuus oo iyagoo mujaahidiin ah laga qabtay dalka afghanistan sanadkii 2002-dii.

Madaarka caalamiga magaalada Kaabuul waxaa ka dhacay munaasabad ballaaran oo lagusoo dhaweynayay geesiyaashan sandada badan noloshooda ku qaatay xabsiga Guantanamo Bay.

Maxaabiista lasoo daayay waxaa kamid ah Almulla Cabdi-daahir oo kasoo jeeda wilaayada Loogaar iyo Axaaj Cabdikariim oo isna kasoo jeeda wilaayada Khoost.

Related Items

Update cookies preferences