Abiy Axmed oo Reergalbeedka usheegay in uusan dib uga laaban doonin heshiiskii loogu saxiixay badda Soomaaliya.

Thursday February 15, 2024 - 18:03:35
Liibaan Jeexoow
Waxaa fashil kusoo idlaaday kulamo magaalada Addia Ababa ku dhaxmaray mas'uuliyiin katirsan wasaarradda arrimaha dibadad Mareykanka iyo mas'uulka ugu sarreeya dowladda Xabashida.
Wafdi ay hoggaaminaysay haweenayda Mareykanka ugu magacaaban kaaliyaha wasaarradda arrimaha dibadda iyo Ergayga geeska Afrika ee xukuumadda Washington ayaa Abiy Axmed ka codsaday in uu kulan la qaato Xasan Sheekh islamarkaana uu ka laabto heshiiskii is afagaradka ahaa ee uu lasaxiixday Muuse Biixi 1,Janaayo 2024.

ilo wareedyo ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in hoggaanka dowladda Itoobiya uu gaashaanka u daruuray ka laabashada heshiiskii Muuse Biixi ee dhigayay in ciidanka Xabashidu ay saldhig ka sameystaan xeebaha gobolka Awdal.

Wararku waxay intaas ku darayaan in dowladda Itoobiya ay reergalbeedka cod dheer ugu sheegtay in heshiiskii badda ee ay lagashay Somaliland uu qeyb ka yahay amniga qaranka Itoobiya.

Related Items

Update cookies preferences