17 sano oo duullaan ah kadib ciidamada Afrikaanta oo iyagoo faramaran isaga baxaya Soomaaliya [Warbixin].

Sunday February 25, 2024 - 13:30:15
Liibaan Jeexoow
Website-ka Aljzeera.net ayaa daabacay warbixin dheer oo uu kaga hadlayo ka bixitaanka ciidamada Shisheeyaha ee dalka Soomaaliya, iyadoo warbixintu soo bandhigeyso siyaaqa uu go'aankan ku yimid, taxadiyaadka soo wajahay ciidankan iyo haddii ay jiraan ahdaaf ay xaqiijiyeen marka laga hadlayo duullaankooda Soomaaliya.
" Wuxuu midowga Afrika billaabay soo afjaridda howlgalkii nabad ilaalin ee ugu weynaa uguna dheeraa taariikhdiisa, ciidamada Afrikaanta ee jooga Soomaaliya ayaana billaabay insixaab tartiib tartiib ah, iyagoo saldhigyadooda ku wareejinaya ciidamo Soomaali ah, waxaana la qorsheynayaa in arintan ay soo gebegebowdo ka hor inta aanu dhamaanin sanadka 2024-ta” ayaa lagu billaabay warbixinta lagu daabacay mowqica Aljazeera.net.

Marka laga hadlayo duruufihii uu kusoo aas-aasmay howlgalka AMISOM ee markii dambe isku bedelay ATMIS, waxay warbixintu tilmaameysaa in tan iyo markii ay dhacday dowladdii kacaanka ee Maxa’ed Siyaad Barre ay dowladaha gobolka iyo kuwa caalamkaba isku dayeen iney faragelinno ku sameeyaan dalka Soomaaliya.

Laga soo billaabo howlgalkii UNITAF ee 1992-dii Muqdisho ku yimaadeen ciidamo uu Maraykan hogaaminayo, illaa laga soo gaaro 2006-dii xilligaas oo ay talada Muqdisho iyo magaalooyin muhiim ah la wareegeen ururkii maxkamadaha Islaamiga, waxay dowladaha reer galbeedka iyo kuwa Afrikaba ku howlanaayeen sidii dalkan loo baneysan lahaa, awoodo milliterina loogu soo daad gureyn lahaa.

" Golaha nabadda iyo amniga ee taabacsan midowga Afrika ayaa 19-kii January 2007-da wuxuu aas-aasay ciidamada AMISOM, kuwaasoo la sheegay iney howlgal qaadan doona 6 bilood ku tagi doonaan Muqdisho, golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaana qalinka ku duugay arinkan, Febraayo illa Ogostana waxay Qaramada Midoobay AMISOM ku dhiirogelisay iney howlo horleh ka fuliyaan dalka Soomaaliya” ayay leedahay warbixinta lagu daabacay mowqica Aljazeera.net.

Marka laga hadlayo qeybaha muhiimka ah ee uu ka koobanyaahy howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya, waxay warbixintu tilmaameysaa inuu yahay afar waaxood oo muhiim ah, milliteri, boolis, arimaha madaniga iyo banii aadamnimada, laakiin dowrka milliteri ayaa mar weliba aad u muuqday tan iyo markii ay kasoo degeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Marka laga hadlayo dalalka ay ka socdeen ciidamada AMISOM waxay ahaayeen sida warbixintu xuseyso, dalalka Uganda, Burundi, Kenya, Ethiopia, Jabuuti iyo guuto kooban oo ka socotay dalka Serealione, Uganda ayayna ka socdeen ciidanka ugu badan.

April 2022-da, qaraar kasoo baxay ururka amniga iyo nabadgeliyada ee taabacsan midowga Afrika, ayaa lagu sheegay in howlgalkii AMISOM uu u guuray ATMIS, waajibaadka saarana ay tahay iney sida ugu dhaqsiyaha badan ka shaqeeyeen sidii amniga dalka loogu wareejin lahaa ciidamo Soomaali ah.

Marka laga hadlyo guulihii ay xaqiijiyeen ciidamada Afriktaan, waxay warbixinta lagu daabacay Aljzeera tilmaameysaa iney tahay in Muqdisho ay ka saareen dagaalyahannadii Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, awoodda Dowladda federaalkana gaarsiiyeen labada shabeelle, taasi oo suurogelisay in Muqdisho laga hirgeliyo doorasho madaxtinimo.

Laakiin dadka falanqeeya siyaasadda Soomaaliya, dhowr iy tobankii sano ee lasoo dhaafeyna kor joogteyn ku hayay dhacdooyinka, waxay tilmaamayaan inaanay jirin awood milliteri oo Al-Shabaab looga saaray Muqdisho, taasina ay ku timid go’aan ay iyagu si iskood ah u qaateen.

Tani waxaa daliil u ah in laga soo billaabo 2011-kii oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab faarujiyeen difaacyadii muuqday ee ay ku lahayaeen caasimadda illaa iyo hadda ay si joogto ah uga howlgalaan magaalada Muqdisho, magaaladana aaney amni ku heysanin masuuliyiinta Dowladda federaalka iyo xitaa shaqaalaheeda.

Marka laga hadlayo guuldarooyinka iyo gibi dhacleynta gaaray xaqiijinta ahdaaftii ciidamada Shisheeyaha ugu soo duuleen Soomaaliya, waxay warbixintu leedahay " ciidamada Afrikaanta weli kuma guuleysan iney jebiyaan Al-Shabaab, inkastoo ay ka saareen Muqdisho iyo magaalooyin kale, waxaa intaa dheer in ciidamadan ay ku guuldareysteen in si midnimo leh u shaqeeyaan, sababo ku aadan khilaafaadka mar weliba dhexyaalay dowladaha ay ka koobanyihiin ciidanka duullaanka soo qaaday”.

Wuxuu kaloo howlgalka ku guul dareystay in siyaasiyiinta Soomaalida ku qanciyo heshiis dhexdood ah, iyagoo dhanka kale ku fashilmey iney hakiyaan ama ka hortagaan howlgallada ay fuliso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Mid kamid ah ahdaaftii ay sheegteen iney ka xaqiijinayaan Soomaaliya hogaanka ciidamada Amisom, wuxuu ahaa ilaalinta nolosha shacabka Soomaaliyeed, laakiin taasi may dhicin, iskaba daa iney difaacaane, waxay ciidamadan fuliyeen silsilado gabood fallo ah oo ay ku laayeen dad badan oo Soomaaliyeed.

Machadka diraasaatka amniga ee Afrika wuxuu leeyahay " Taxadiga ugu weyn ee soo wajahay ciidamada Afrikaanta ee Soomaaliya tagay waxay ahayd iney isku dheellitiri waayeen howsha milliteri ee ka dhigan la dagaallanka Al-Shabaab iyo iney ka shaqeeyaan xalinta asaaska mushkiladda, iyagoo soo jiidanaya qabaa’ilka Soomaalida, tani waxay awood u siisay Al-Shabaab iney taageero ka helaan gobollada qaar, caqabadanna wa mida uu hore yu sheegay baare Paul D Wlliams, oo tilmaamay iney isku dheellitirneyn awoodda milliteri iyo tan jilicsan ee siyaasadda ah” ayay leedahay warbixinta.

Si guud caqabadaha soo wajahay ciidamada Shisheeyaha Afrikaanta ee Soomaaliya kusoo duulay, waxaaa lagu qodobeyn karaa dhowr arin, marka lagu dhisto warqadda uu daabacay Paul D Williams, waxaana ay yihiin: inaanu jirin tansiiq iyo wada shaqeyn xoogan oo ka dhexeeya dowladaha ay ka koobanyihiin ciidamada Afrikaanta, Siyaasiyiinta Soomaalida ee shurkada ku ah hannaanka dowladda Federaalka oo dhexdooda is diidan, iyadoo ay taasi dheertahay in shacabka Soomaalida uu badankii u arko xukuumadan iney tahay maqaar saar mataleysa dano ajnabi.

Waxaa intaa dheer in xitaa aanu jirin wada shaqeyn adag oo gundheer oo ka dhexeysa dowladaha reer galbeedka ee gadaal ka riixaya duullaanka Soomaaliya, halka uu soo wajahay taakulo la’aan iyo culees dhaqaale, maadaama reer galbeedku uu si guud usoo wajahay caqabad maaliyadeed.

Marka laga hadlayo asbaabaha keenay in lasoo afjaro howlgalka ATMIS ee Soomaaliya, waxay warbixintu u sababayneysaa dhowr arimood, maalgelin la’aan soo wajahday howlgalka, kadib markii midowga Yurub uu arkay inaanu wax badan soo kordhin howlgalka ATMIS, deegaanno badan oo dalka kamid ahna ay gacanta ku hesyo Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, taasoo ka dhigan in howlgalku aanu u fulin howlihii loo igmaday sidii loogu talogalay.

Marka laga hadlayo waxa xiga maalinka askariga ugu dambeeya ee Shisheeye ah uu ka baxo dalka Soomaaliya, waxay warbixintu tilmaameysaa in masuuliyiinta Soomaalida ay isugu jiraan kuwa muujinaya cabsi xoog leh, oo sheegaya in Al-Shabaab ay dalka la wareegi doonto haddii ATMIS ka baxdo Soomaaliya, iyo kuwa kale oo ku doodaya in Dowladda federaalka ay leedahay awood ciidan oo ay ku hanan karto amniga dalka.


Related Items

Update cookies preferences