Ciidamada Suudaan oo sheegay in ay magaalooyin muhiim ah ka qabsadeen kooxda RSF.

Saturday March 16, 2024 - 13:34:53
Liibaan Jeexoow
Melleteriga Suudaan ayaa ku dhawaaqay in ay guulo waaweyn kasoo hooyeen dagaallada culus ee uu kula jiro maleeshiyaadka kooxda RSF ee mucaaradka ah.
Maalmo kadib markii ay ciidamadu dib ula wareegeen gacan ku heynta magaalada qadiimiga ah ee Umudurmaan iyo xarunta Raadiyo iyo Telefeshinka ayay galab qabsadeen xarunta shirkadda sifaysa shidaalka.

Jeneraal Cabdifataax Alburhaan oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in ciidamadoodu ay taqadum wanaagsan ka wadaan magaalada caasimadda ah iyo gobolka Aljaziira.

Dagaalka Suudaan ayaa 11 bilood jirsaday welina kooxaha mucaaradka ah kuma guulaysan in ay talada dalka qabsadaan.

Related Items

Update cookies preferences