Diyaarad Drone ah oo kusoo dhacday gobolka Hiiraan iyo Al Shabaab oo gacanta ku dhigay (Sawirro).

Thursday March 28, 2024 - 12:30:09
Liibaan Jeexoow
Ciidamada Wilaayada Islaamiga Hiiraan ayaa gacanta ku dhigay diyaarad Drone ah oo kusoo dhacday deegaan dhaca gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya.
Diyaarad nuuca wax basaas ah oo loo malaynayo in ay leedahay dowladda Mareykanka ayaa dhulka kusoo dhacday kadibna waxaa lawareegay ciidamada wilaayada Islaamiga Hiiraan.

Sawirro lagasoo qaaday goobta ay diyaaraddu ku dhacday ayaa muujinayay waxyeello kooban oo diyaaradda gaartay iyadoona ay ku xiranyihiin kaamirooyin iyo qalab kale oo ah kuwa sirdoonka.

Related Items

Update cookies preferences