11 sano oo kasoo wareegtay geeridii Mulla Max'med Cumar Amiirkii Taliban [Warbixin].

Tuesday April 23, 2024 - 21:25:08
Liibaan Jeexoow
Maanta oo kale 11 sano kahor waxaa geeriyooday Mulla Maxamad Cumar Mujaahid, amiirkii Imaarada Islaamiga ah ee Afghaanistaan.
Sanadkii 1994 ayuu isagoo ka carooday gabar Muslimad ah oo ay kufsadeen maleeshiyo calool-uus ah oo ay lahaayeen hogaamiyo kooxeedyadii ku sugnaa Qandahaar wuxuu isaga iyo 30 nin oo kale oo ku hubaysan 15 qori weerar ku qaaday hogaamiye kooxeedkii kufsaday gabadha. Intuu soo dilay ayuu maydkiisana salbiyay.

Halkaas ayuu ka soo billaabay halganka ilaa uu ka dhisay dawlad Islaami ah oo Afghaanistaan oo dhan qabsatay. Sanadkii 2001 ayay Maraykanku ka dalbadeen inuu usoo dhiibo Sheekh Usama Bin Laden si ay maxkamad u saaraan balse Mulla Cumar arinkaas waa uu diiday wuxuuna si raganimo leh ugu sheegay Maraykanka in aysan marnaba dhici karin inuu qof Muslim ah gaalo u gacangeliyo.

Duullaan ay soo qaadeen Maraykanka iyo xulafadii NATO ayuu ku waayay dawladiisii iyo dhamaan dhulkii uu ka talinayay, kadibna isagoo weli hogaaminaya dagaal Jihaad ah ayuu geeriyooday.

Maanta oo 11 sano laga joogo geeridiisa Afghaanistaan waxaa dib u qabsaday raggii uu hogaamiyaha u ahaa waxaana guud ahaan wadanka ka talisa Imaaradii Islaamiga ahayd ee uu dhisay.

Waxaa uu Allaah u rumeeyay oraahdii taariikhda gashay ee uu yiri markii uu Maraykanku ugu hanjabay inuu Imaaradiisa baabi'in doono taasoo ahayd, " Allaah wuxuu noo ballan qaaday guul, Buush na (Madaxweynihii Maraykanka ee xilligaas) wuxuu noo ballan qaaday jab, waxaan se arki doonaa labada ballanqaad midkii rumoobi doona" Allaha u naxariisto Sheekh Mulla Maxamad Cumar Mujaahid. Wuxuu raacay wadadii ay mareen saxaabadii rasuulka SCW iyo taabiciintii sharafta badnaa, wuxuuna aduunka kaga tegay taariikh dahabi ah oo ay dadka Muslimiinta ah iftiiisan doonaan muddo dheer oo soo socota.

W/Q Muudey Macoow

Related Items

Update cookies preferences