Sidee ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ugu kala daateen dagaallada ka dhanka ah Al Shabaab? [Warbixin].

Thursday May 16, 2024 - 16:37:52
Liibaan Jeexoow
"GALKA CIIDANKA " waa mid kamid ah faaylasha ugu muhiimsan ee DFS waxuuna ahaa mid kamid ah galalka lagu wareejiyo madaxweyne kasta oo loo doorta xukunka Vailla Soomaaliya, maadaama maleeshiyaadkaas ay yihiin awoodda labaad ee uu ku tiirsan yahay amniga uu ku shaqeeyo nidaamkan marka laga soo tago ciidamada shisheeyaha Afrikaanta.
Markii Xasan Sheekh Maxamuud dib loogu doortay hoggaanka kDF Soomaaliya waxaa lagu wareejiyay faylasha kumanaan ciidamo ah oo u dhisan guutooyin kala duwan oo ay tababareen dawlado kala jaad ah.

Sida lagu xusay warbixin ay baahisay xarunta la dagaalanka waxa loogu yeero argigixisada ee Mareykanka, maleeshiyaatka DF Soomaaliya ayaa sanadkii 2009 ahaa illaa 7000 oo askari, balse dowladda oo kaashaneysa gaalada caalamka ayaa xeydasho iyo xanjeerasho sanado qaadatay kadib ciidanka gaarsiisay ilaa 19,000 oo askari.

Sidaas oo ay tahay hadana maleeshiyaatkan ayaa ah kuwa wajahaya caqabado dhowr ah oo ay ugu horreyso kala qeybsanaan dhexdooda, qabyaaladda oo saameyn ku leh silsiladda hoggaankooda, iyo wallaha ay u hayaan dowladaha soo tababaray oo ka xoog badan midka ay u hayaan maamullada ay hoos tagaan.

Yoolka uu hiigsanayey mashruuca dhismaha maleeshiyaatka dowladda ayaa ahaa in la helo, illaa 30 kun askari oo mustaqbalka bedeli kara ciidanka shisheeyaha Afrikaanta balse in la gaaro tiradaas ayaa adkaatay maadama maleeshiyaatku ay wajahayaan dagaal joogta ah oo uga imaanaya dhanka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Mid ka mid ah dagaalladii ugu xooganaa ee ay ku hoobteen maleeshiyaatkan, waa gulufkii uu Xasan Sheekh Maxamuud kusoo qaaday wilaayaatka islaamiga, kuwaas oo sida laga soo xigtay ilo wareedyo dhanka cadowga ah ay sheegayaan in lagu dilay ku dhawaad 10 kun oo askari, kuna burbureen guutooyin badan oo loo diyaarinayey inay gundhig u noqdaan dhismaha maleeshiyaatkan.

Markii uu Xasan Sheekh Maxamuud ku dhawaaqayey gulufka ayay dowladdu heysatay ku dhawaad 2,000 oo askari oo ka mid ah ciidanka Mareykanku tababaro ee loo yaqaano Danab, 6,000 oo ka mid ah Maleeshiyada uu Turkigu tababaro ee loo yaqaano Gorgor iyo 5,000 oo ka mid ah askartii lagu soo tababaray Eritrea ee iyaguna loogu magacdaray ilaalo Qaran.

Intaas waxaa sii dheer kumanaan kale oo uu Xasan tababar ugu diray dibadda mudada labada sano ah ee uu xukunka joogo, warbixintaan ayaana Allah idinkii ku eegi doonna guuto waliba halkii ay kudambaysay iyo sida ay ugu hafteen dullanadoodii kadhnka ahaa wilaayaatka islaamiga ah.

Waxaan ugu horreyn ku bilaabeynaa murtazaqada Mareykanku uu tababaro ee loo yaqaano Danab, ee taakuladooda iyo tababarkooduba uu gacanta ku hayo taliska AFRICOM.

Maleeshiyaadka loogu yeero kumaandooska Danab, waa ciidamo si gaar ah uhoostaga dawlada Maraykanka, saldhigooda ugu weyn waa xerada Bali-Doogle ee ku taala gobolka Shabeellada Hoose.

Markii ugu horaysay ayeey sanadii 2013 xukumada Washington aasaastay, si ay ugu adeegsato dagaalkeeda ka dhanka ah islaamka iyo ehelkiisa, waxayna saldhigyo ciidan ku leeyihiin Balidgooel, Xalane, Gaalkacyo iyo Kismaanyo.

Howsha loo idmaday maleeshiyaadkan ma ahayn inay galaan dagaalada fool ka foolka ah iyo iska hor imaadyada tooska ah, balse waxay ahaayeen kuwa loo adeegsado hawlgallada aarbushaada ah iyo kuwa gaarka ah ee agaasinkooda leeyahay Mareykanka, Laakiin markii uu Xasan Sheekh Maxamuud ku dhawaaqay dagaalka ka dhanka ah jihaadiyiinta Al Shabaab, wuxuu safka hore keenay ciidankan oo uu u arkayey cududda ugu xooggan ee uu u kaashan karo dagaalka ka dhanka ah shareecada Rabi.


Bartamihii sanadkii 2022 ayeey ahayd markii ugu horaysay ee ay ka qayb qaateen, dagaalladii udhaxeeya ciidamada jihaadiyiinta iyo cadawga ee ka socday wilaayada Hiiraan, iyadoo ay dusha sare ay ka taageerayaan diyaaradaha dawlada Maraykanka.

Maleeshiyaadkan ayaana isaga soo kala gudbay gobolada Hiiraan Shabeellada-Dhexe ilaa Galgaduud, waxayna darbadii ugu xoognayd ee soo afarjtay kibirkooda iyo isqaadqaadkooda ay ahyad, midii gaartay bishii January ee sanadkii 2023, kadib markii cagta la mariyey saldhigii ay ku lahaayeen dagmada Galcad ee bariga Galgaduud, halkaas oo uu ku qabsaday halaag xoogan oo ay ka qeyla dhaamiyeen saraakiisha Mareykanka, iyagoona ku waayey ragg Muhiim ah oo uu ka mid ahaa Xasan Tuurre.

Dagaalkii Galcad waxaa Allaah fadligiis lagu dilay ku dhawaad 200 askari oo u badnaa maleeshiyaatka Danab, waxaana saraakiishii Mareykanka ee lahaa tababarka iyo tabantaabada Maleeshiyaatkana y sheegeen inuu uga dhignaa musiibadii ugu xumeyd ee ku habsata maleeshiyaatkooda tan iyo markii la aas-aasay sanadkii 2013-kii, waa kan saxafi ka tirsan dowladda oo qiraya xajmiga khasaarihii maleeshiyada Danab kasoo gaaray weerarkii Galcad iyo saameynta uu ku yeeshay hab dhismeedkooda.

Guutada labaad ee ciidanka dowladda ee ku hoobtay gulufkii Xasan Sheekh, waa maleeshiyada loo yaqaano Gorgor waana ciidanka ugu badnaa ee ku hoobtay dagaaladan.

Askartan waxaa tababarkooda iyo taakulayntoodaba leh dawladda Turkiga, waxayna tababarada ku qaataan saldhigga Turkisom ee ku yaalla magaalada Mogdisho, halka qaarkoodna loo qaado gudaha dalka Turkiga.

Ciidamadankan ayaa gaarayey ilaa 6000 oo askari markii uu talada la wareegayey Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana xilligaas dufacaad horleh laga soo saaray saldhigga ku yaalla xeebta Jazeera oo lagu tilmaamo midka ugu weyn ee uu Turkigu ku leeyahay meel ka baxsan dalkiisa, halkaas oo macalimiin Turkiga ay tababaro ku siiyaan maleeshiyaatkan.

Bishii Sept ee sanadkii 2017, DF Soomaaliya iyo dowlada dabadhilifka ee Turkiga ayaa wada galay heshiis lagu tababaro ciidamo Soomaali ah, oo lagu balamay in tiradooda la gaarsiiyo ilaa 30 kun oo askari, balse DF ayaa dufcad waliba oo ka mid a ciidankan markii ay soo baxaanba kusoo daabuleysay fuirmaha dagaalka, waxaana dagaalkii ugu adkaa ee xaabada looga dhigay ay dheceen markii uu Xasan Sheikh ku dhawaaqay gulufkiisa ka dhanka ah wilaayaatka Islaamiga ah.

Weeraradii ugu waaweynaa ee dhagta dhiiga loogu daray maleeshiyaatkan waxaa kamid ah, kuwii ka dhacay Yasooman, Burdaar, Beera-Yabaal, Ruunirgood, Coosweyne iyo Caad, mujaahidiinta ayaana Allaah fadligii ka furtay waxii hub iyo saanad ciidan ah ee yiilay saldhigyada ay ka joogeen gobolada dhexe ee Soomaaliya.

Mid kamid ah guutooyinka cudud ahaan ugu badnaa maleeshiyada dowladda, waxay ahaayeen askartii lagu soo tababaray dalka Eratariya, halkaas oo ay mudo shan sano ah ku sugnaayeen, ciidankan ayaana ubadnaa dhalinyaro ay xukuumadii Farmaajo ka raaftay magaalada caasimada ah ee Muqdisho, iyadoona si qasab ah ku geysay dalka Eritrea, halkaas oo lagu tababaray ku dhawaad 3 sano.

Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa galka askartaasi ku wareejiyay Xasan Sheikh Maxamuud, waxayna ahaayeen mid kamid ah maleeshiyadkii uu ku faanayey hoggaanka DF isagoona olole ugalay sidii uu dalka dib ugu soo celi ahaa.

Balse markii dalka dib loogu soo celiyay waxaa maleeshiyaatkan lagusoo daabulay furimahii ay ka socdeen dagaallada culus ee shabeelaha dhexe iyo bariga Galgaduud, halkaas oo ay iyaguna dacarta lagu leefsiiyey.

Xildhibaan Cabdullaahi Kulane Jiis oo kamid ahaa dowladii hore ee Farmaajo ahaana saraakiisha lahaa qorista iyo tababarka ciidankan, ayaa wareysi uu dhawaan bixiyey ku sheegay in maleeshiyaatka loo yaqaano ilaalo qaran ee lagusoo tababaray Eritrea iyo kuwa Gorgor ay ahaayeen askarta ugu badan ee ku le’day gulufkii uu Laba sano ka hor ku dhawaaqay Xasan Sheekh Maxamuud.

Marka laga yimaado inuu dabka ku wada shubay ciidankii hore u dhisnaa sida Danab, Gorgor iyo ilaalo Qaran, wuxuu Xasan Sheekh Maxamuud sidoo kale gulufkan ku waayey kumanaan kale oo uu isagu u diray tababar dibadda ah mudadii uu xukunka heystay.

Sida uu sheegay la taliyaha dhanka amniga ee Xasan Sheekh, waxay dowladda DF tababar dibadda ah u dirtay ku dhawaad 15,000 oo askari kuwaas oo loo kala diray wadamada Uganda, Itoobiya, Masar, Eritrea iyo dalal kale.

Mid ka mid ah guutooyinka lagusoo tababaray dibadda ee ku hoobtay dagaaladan, waxaa ka mid ah maleeshiyada loo yaqaano Police Militaaro, kuwaas oo lagu soo tababaray dalka Uganda, taakuladooda mushaarkooduna ay lahayd dowladda imaaraatka Carabta.

Maleeshiyaatkan ayaa iyaguna xaabo u noqday gulufka Xasan Sheekh Maxamuud waxayna ku hoobteen weeraro dhowr ah oo ay Jihaadiyiintu ay cagta ku mariyeen saldhigyadooda, haddii ay tahay Muqdisho iyo duleedyada iyo xitaa furimaha dagaalka ee Sh/dhexe, Mudug iyo Galgaduud.

Bilo kadib maleeshiyadkii laga sugayay in ay sugaan amniga caasimada, ayaa iyagoo jeebaysan maxaabiisna ah kaga soo muuqday kaamirada Al-Kataa'ib, iyagoo waliba ka sheekaynaya qaabkii lagu soo qabtay iyo sida xaalkoodu uu ahaa markii ay ka dulshan qartay rasaasta Al-Shabaab.

Maleeshiyaatkan ayaa darbadii ugu xooganayd kala kulmay Jihaadiyiinta bishii Ramadaan ee tagtay, kadib markii lagu xasmiyay saldhig ay kaga sugnaayeen duleedka Mogdisho si gaarah deegaanka Busleey, halkaas oo lagu dilay taliye ku xigeenkoodii dhanka kalana ahaa abaaduulaha oo lagu magacaabi jiray Liibaan Golcad.

Inkastoo DF ay isku dayeysay in iyadoo dagaalka hurineysa dhanka kale ay soo saarto ciidamo fara badan, hadana waxay ku hungowday hadafkeedii ahaa inay dagaalka wax ka bedelaan maleeshiyaatkan faraha badan ee ay soo saareysay mar waliba.

Sida uu aaminsan yahay taliyihii hore ee sirdoonka DFS C/raxmaan Tuuryare, khaladaadka ay ku dhacday dowladdu waxaa ka mid ahaa inay furimaha dagaalka kusoo daabushay maleeshiyaat aanan lahayn wax khibrad dagaal ah.

Burburka ciidanka dowlada kasoo gaaray furimaha dagaalka labadii sano ee lasoo dhaafay, ayaa horseeday inay DF Soomaaliya ay gabto howshii laga sugayey dhamaadka 2024-ka, ee ahayd inay diyaariso ciidamo gaaraya 24,000 oo askari oo la wareegi kara mas’uuliyada amni ee dalka, kadib markii ay wadanka isaga huleelaan ciidamada Afrikaanta.

Disaarad uu diyaariyey mac-hadka Heritage ee ka faalooda arimaha siyaasadda, ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan awood u lahayn inay diyaariso ciidamadii lagu balamay ee ahaa 24,00 oo askari, si ay ula wareegaan saldhigyada ay ka bixi doonaan ciidamada ATMIS.

Hadda oo bilooyin qura ay ka harsanyahay sanadka cusub ee 2025,DF Soomaaliya ayaa gacanta ku heysa wax aanan gaareyn ilaa 10,000 oo askari, kuwaas oo uu Xasan ku laba-labeynayo inuu u adeegsado duullano horleh iyo inuu geeyo saldhigyada ka bixi doonaan ciidamada ATMIS bilaha soo socda, waxaana dawarsadihii dollarka kusoo qaatay inuu laba sano gudahood kusoo afjarayo Mujaahidiinta bariga afrika hor taalla laba daran mid un dooro dallawya horlehba kusii daado’e!.

Related Items

Update cookies preferences