Dagaal ay ku dhinteen askar iyo saraakiil katirsan maamulka Koonfur galbeed oo ka dhacay degmada Bardaale.

Saturday June 01, 2024 - 18:04:01
Liibaan Jeexoow
Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay dagaallo culus oo maleeshiyaad kawada tirsan maamulka Koonfur galbeed ku dhaxmaray deegaan katirsan gobolka Baay.
Wararka ka imaanaya degmada Bardaale ayaa sheegaya in iska hor'imaad culus uu maleeshiyaadka ku dhaxmaray koontaroollada laga galo magaalada.

Ugu yaraan 6 qof oo ubadan dhinacyadii dagaallamay ayaa ku dhintay iska hor'imaadkii maanta, dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta usheegay in maleeshiyaadka dabadhilifyada ah ay isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in dagaalkii maanta uu ku dhintay Cali Baroow oo ahaa taliyihii booliska degmada Bardaale waxaana ku dhaawacmay illaa iyo sedax sarkaal.

Maleeshiyaadka daacadda u ah C/caziiz Laftagareen ayaa la sheegay in looga itaal roonaaday dagaalkii maanta oo daba socday iska hor'imaadyo bishii lasoo dhaafay ka dhacay magaaladan.

Related Items

Update cookies preferences