Banki-moon "Walaalkeey iyo Walaasheey Ayaa Baahi Udhintay"!.

Monday June 02, 2014 - 03:44:52
8814
Super Admin
Ban Ki mon Xogayaha guud ee waxa loogu yeero Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa shaaca ka qaadey Sir ku saabsan qoyskiisa oo aan horey loo ogayn,Xilli uu ku sugnaa wadanka Kanada.
Ban Ki-Moon oo ka hadlay Shir ka dhacay magaalada Toronto ee dalka Kanada,kaas oo looga hadlayey Badbaadinta Dumarka iyo Caruurta ayaa waxa uu kaga yaabiyey dadka Kulanka ku sugnaa Arin ku saabsan Qoyskiisa,taas oo ahayd in Wiil iyo Gabar la dhalatey isaga ay baahi darteed ugu geeriyoodeen dalka Kuuriyada Koonfureed,inta uusan dhalan Ban Ki-Moon.


"Sababtaas darteed ayaan ugu wareegayaa Caalamka,aana ku hadlayaa magaca Malaayiinta Dumarka iyo Caruurta ah ee ka cabanaya Baahida iyo Faqriga..” ayuu yiri Ban Ki-Moon.

Isagoona ugu baaqey dowladaha dhaqaalah leh iney caawiyaan dadka Faqirga ah ee ku sugan Wadamada Reer Galbeedku a yaqaanaan dowadaha soo Koraya dhaqaale ahaan.

Arintan ayaa muujineysa Faqriga uu kusoo korey Ban Ki-Moon oo ah Xogayaha waxa loogu yeero Qaramada Midoobay,inkastoo haatan uu ka mid yahay dadka boobaya Hantida Muslimiinta,maadaama Qaramada Midoobay ay tahay Cida ansixisa Duulaanada lagu qaado wadamada Islaamka.

Xigasho:Idaacadda Alfurqaan


Related Items

Update cookies preferences