Daawo: Gabar Soomaali Ah Oo Gabay Cajiib Ah Uga Jawaabtay Go'aankii Trump Ee Qudus Uu Ugu Aqoonsaday Caasimadda Yahuudda.

Wednesday December 13, 2017 - 12:09:03
Super Admin
Inta badan wadamada Caalamka islaamka waxaa wali ka socda kacdoon ay sameynayaan shucuubta muslimiinta waxayna kagasoo horjeedaan warkii kasoo baxay dowladda Mareykanka ee magaalada Qudus u aqoonsanayay caasimadda Yahuudda.


Shacabka Soomaalida waxay kamid yihiin dadka sida aadka ah ugasoo horjeestay qabsashada magaalada Qudus waxayna dhigeen iskusoo baxayo ballaaran

Nicmo Cabdullaahi Maxamuud waa Gabar da'yar oo dhigata Machadka Al-iimaan ee magaalada Muqdisho waxay gabay cajiib ku cabirtay go'aankii Trump ee Qudus uu ugu aqoonsaday  Caasimadda Yahuudda.

"Qarniyadii Saxaabada Yahuud Qooqaan May qabine, Kheyrbar bay xasuustaan sidii qowmka loo galaye,Khaalid Bin Waliidba Kurtood Qaaq Kasiin jiraye” ayaa kamid ah duducyad Gabayga Nicmo Cabdullaahi.

Halkan ka degso Gabayga Nicmo ama hoos ka Daawo

Related Items

Update cookies preferences