Haddii Wadaadka Soomaaliya loogu jecel yahay dawladda madaxweyne ka noqdo waddanku ma hagaagayaa?!

Thursday January 09, 2020 - 16:40:39
Liibaan Jeexoow
Dadka soomaaliyeed waa umaddii u horreysay ee habka Democracy-ga lagu tijaabiyo Afrika sida la sheego. Buugaag laga qorey baa jirta, sida buugga Cabdi Ismaaciil Samater uu u bixiyey Africa's first democrats.


Haddaba akhristoow bal maanta aynu wax isla qaadaa dhigno oo aynu halka Farmaajo joogo ku bedelno wadaad soomaaliyeed kan loogu jecel yahay ama ugu shacbiyadda badan. Intii aanan isku bedelka samaynin bal aynu yara fiirinno sida wadamada afrika gumeystuhu usoo galay iyo qaabka uu dadkii gobta ahaa u gummeeyay.

Afrika oo hodan ah islamarkaana dhaqamadooda tixgeliya ayuu gumeystuhu soo galay, sida caadiga ah haddii awoodi ay meel gasho bulshadaas lagusoo duulay koodii u sarreeyay wuxu noqdaa kooda u hooseeya sidaas baana looga takhalusay suldaamadii iyo oday beeleedyadii hormuudka ahaa looguna bedelay caaqillo gumeystuhu sameeyay.

Maalin ayaa wiil soomaaliyeed oo gumeystaha lacol ahaa la qabtey kolkaasaa lagu yidhi maad iska noqotid sida dadkayagan raaxada ku nool oo aad barwaaqada isticmaarka nala guratid maxaa ku irdheeyay?.

Wiilkii baa wuxu ka sheekeeyay in beri hore orgi la hadlay bahasha garanuugta loo yaqaan oo ku yidhi "horta maxaad la taxaddartaa marka aad aragto ninkan na raaca, maad nagusoo biirtid oo aad nala daaqdid, ninkan na raacaana waa uu ku ilaalin eh”. Garanuugtii baa ugu jawaabtey ilaalintiisa maxaan ku falayaa sow maalin uun i cuni maayo sida uu kuu qalan doono ama kuu iibsan doono mar uun. Haddaba shisheeyuhu markii uu qaatay wixii uu rabay dadkii gumeysi diidka ahaana uu laayay waxa uu kaga tagay dhulkii nin Faranji ah oo weji madow " a french man with a black face”. Kaas oo uu rabay in uu dadka usii xukumo kuna xukumo wixii uu ka dhaxlay shisheeyaha.

Kolka si cilmi ah loo hadllayo waxa jirta weedh uu aqoonyahan soomaaliyeed oo oday dhaqameedna ah uu yidhi "Dhadhaarada oo lakala bedelo dheriga dhadhankiisa waxba kama bedelaan”.

Midabku macno ma sameeyo sababtoo ah  ilaah baa dadka wada khalqay, ku cas ku cad ku madoow iyo ku maarriin ahba. Haddaba waa in la fahmo waxa la isku hayaa in aanay ahayn hebel oo wadaad ah waxna yaqaan baa ku fiican in uu soomaaliya majaraha u qabto, oo haddii la geeyo keenna ugu fiican uguna taqqisan halka uu farmaajo joogo waxba ma qaban karo sababta oo ah waxa lagu shaqaynayaa nidaam soo galeeti ah oo aynaan ab iyo isir toona u lahayn. Sharciga dhabta ahi waa kitaabka Alle kaas uun baa raasamaal ah oo weligii baaqi ahaanaya. Artificail system ama waxa loo yaqaanno "Man made rules and regulations” oo ah xeerar dad samee ahi marnabba inama wadi karaan.

Guntii iyo geba gabadii waxa jira Xadiis cajiib ah oo nabiga ka sugnaaday oo macnihiisu noqonayo "Ismaqla oo is addeeca xattaa haddii uu idiin taliyo addoon xabashi ah inta uu kitaabka rabbi idinku dhaqayo”. Akhristoow addoonku waa qof la leeyahay (mamluuk) balse haddii uu sharcigii rabbi fulinayo waan addeecaynaa haddiise wadaad duub weyn oo afarta mad’haboodba ka jawaabaya haseyeeshee inxiraafay oo hoos fadhiya nidaam kii Alle khilaafsan uu wax noo meeriyo ka dhegaysan mayno.

Kuwa loogu yeero beesha Caalamka qudhoodu marabaan hoggaamiye aan calmaani aheyn waxaan ogeyn Tijaabadii lagu sameeyay Shariif oo xildhibaanno iyo wasiirro ka dhigtay wadaado duubab waaweyn balse waxba qaban waayay markii ay umadda lasoo hor istaageen dastuurkii Mbaghati xero Doofaareey oo mutuxan.

Wabillaahi Tawfiiq

W/Q: Wadaadyare Xaashi.

Related Items

Update cookies preferences