Haddaba dhibta waddanka maxaa keenay?. Yaase ka mas'uul ah? ma rabo in aan
adeegsado hal aayad oo quraanka sharafta badan ee rabbigeen ah mana rabo in aan
soo qaato hal xadiis oo ah kuwa saxiixa ah. Macnahaygu ma ahan in aan ka hor
jeedo axaadiista rasuulka iyo kitaabka rabbigeen, xaashaa!, balse waxa aad
ogaataa in maalintii nebi muxamed CSW lagu yidhi tolkaa u dig wixii u horreeyay
ee uu u sheegay wacdi ma ahayn aayad ma ahayn wanaag kale ma ahayn. Kolkii uu u
dhawaaqay kadib waxa uu ku bilaabay haddii aan idin yidhaahdo buurtan
gadaasheeda col baa ku sugan ma iga rumeysanaysaan, waa kuwii ku yidhi haa,
sababtoo ah been waligayo kaaga maannaan baran.
Akhristoow waxaan arkay dad badan oo raba in diinta laga baxsado sidaas
daraadeed maqaalkan waxa aynu ku qaadaa dhigi doonnaa waxa soomaaliya ka jira, si
caqli ah oo la wada fahmi karo baynu u gorfeyn doonnaa haddii Alle idmo.
kolkaa waxa aad ila fahmi doontaa dhibta
taagan ma shabaabka ayaa keenay mise waa wax soo taxneyd tobannaan sano,Runtii
waa su’aal aqoon ah oo u baahan in waxgaradka soomaaliyeed ay gorfeeyaan oo aan
hal maqaal lagaga bixi karin. Ummad marka dhibteeda la baadhayo oo la eegayo
ciriqa dhibtoodu halka uu ka soo jeedo waa in la yaqaannaa sooyaalkeeda
taariikheed, sheeko xariirooyinkooda waana in la dersaa hab fikirkooda.Haddaba
maxaa u asal ah dhibaatada soomaaliya?.Qofka addoonka ahi marka uu ogaado in la
gumeysto waa maalinta ay xornimadu u bilaabanto, haddaba aynu isla eegno
qodobada ay dhibta soomaalid la xidhiidho.
Cadaw
dibadeed iyo qabyaalad isbiirsadey.
Adduunka
markii la taagay ee bina aadam la abuuray hawlna waa lala abuuray, bina aadam
la aragyaaba dhib la arag. Markasta oo bina aadam yimaado kibir waa jirayaa
haddii aan la helin sharci xakameeya, dadku waa laba nooc qaar askarta ka baqda
iyo kuwo ilaahay ka cabsada. Kuwii alle ka baqanayay xuduudkooda waa ay
garanayaan oo ma soo dhaafaan balse kuwa askarta ka baqdaa waa weji ka cabsade
kuwaas baana sida dhabta ah loo sameeyay jeelasha si ay u joojiyaan xadgudubka
iyo dulmiga.Akhristoow dulmiga iyo eexda qaraabo-kiilka ku dhisani waa tiir
kamida dhibka soomaaliya. Qabyaaladda oo aynu dhibkeeda naqaano waxa ka
faa’iideystay cadawgii soomaalida ee soo jireenka ahaa ee itoobiya. Itoobiya
waa "church state” waa dawlad kiristaan ah, base-keeda dhabta ahina waa kiniisada
kolkaa innaguna halkii aynu ka noqon lahayn Mosque State ama ummad masaajid,
waa aynu ka tagney oo waxa aynu nidhi diinta masaajidka halooga soo tago taasoo
noqotey caqabad iyo iilasho weyn. Labadaa sababood ee isa saaran shabaabku uma
sabab aha oo markii aynu democracy-ga qabiilka ku dhisan qaadannay ma ay
jooginba, eexna iyo qaraabo kiilna kuma dhaqmaan oo nidaamkooda cidkastaa waa
iska dhex arki kartaa.
Waxbarasho
iyo manhaj leexsan
Waxbarashada
waa helidda ama kasbashada aqoon, xirfad, dhaqan iyo caqaa’id ama aaminaad.
Dariiqooyinka wax loo bartaa waa kala duwan yihiin sida akhris, la sheekeysiga
dad waaweyn oo waayo arag ah, shabakadda internetka iyo wixii lamida.
Waxbarashada si guud waxa loo qaybiyaa saddex qaybood. Waxbarasho toos ah,
waxbarasho dadban iyo waxbarasho laga barto tajaariibta nololeed. Afka
qalaad waxa ay ku noqonaysaa Formal, Non-formal and Informal education.
Waxbarashada tooska ahi waa tan laga soo bilaabo dugsi hoose ee la wado illaa
jaamacad si xidhiidh ah, waxbarashada dadban waxa sida badan barta dadka
waaweyn ama baadiyaha ku raagay waxaanay la tacaluqdaa barashada dawaarka,
korontada, biyo galinta iyo guud ahaan xirfadaha sida cillaan-saarka(xinnaha).
Waxbarashada lagu barto tajaariibtu waa aqoon maalmeedka, tusaale ahaan
barashada waddo udhaw dhanka suuqa oo kale oo aad maalin si lama filaan ah u
tijaabisay, Raadiye dhageysasho Joornaal akhriyid IWM. Haddaba inaga waxbarashada inaga qaldantay waa
Waxbarashada-Tooska ah (Formal education). Manhajkeena Waxbarashada Tooska ah
taniyo wakhtigii burburka waxa gacanta ku qabatay hay’adaha shisheeye sida
UNESCO taas oo inoo dejisa silibiska. Akhristow bal u fiirso jaamacadaha
soomaalida. Waxa lagu qaataa waxa ay u badan yihiin kulliyadaha hoos yimaada
waxa loogu yeedho Business Administration. 80% ama 90% ardayda soomaaalida waxa
ay kasoo baxaan sannad walba waxyaabo ku saabsan ganacsiga, waa marin habaabin
dadka soomaaliyeed la rabo in lagu dago ka daba ordidda dhaldhalaalka
adduunyada taas oo khilaafsan qiyamkooda akhlaaqeed iyo soo jireenkooda
taariikeed. Malihi yaan la baranin kulliyadaha la xidhiidha Business-ka gebi ahaanba
balse waxa aan leeyahay noloshu ganacsi ka badan ee wax iska dhicin baynu u
baahannay, waxkasta oo intii la rabay laga badiyaana waa qiimo beelaan.
Faylasoof reer baakistaan ahaa ayaa odhan jirey "waxbarashadu waa aysiidh kolkaa
qofka adigaa qaabeysan kara” islamarkaana aqoon yahan hindiyaan ahina waxa uu
lahaa weedh odhanaysa "Fircoonkii reer masar ee ilaahnimada sheegtay doqon buu
ahaa, intii uu carruurta reer banu israaiil laynayay muu dugsiyo aqooneed u furo
kolkaa waxa u soo bixi lahaa jiilka uu rabo”.
Haddaba manhaj la’aanta soomaaliya ka jirtaa waa tiir kamid ah burburka
dhaqan-dhaqaale iyo ilbaxnimo. Muqarrarkeena waxa inoo daabacdey UNICEF ama
haayada waxbarasho ee UNESCO taasoo lafjab ku noqotay in ay soo baxaan jiil u
fakiraya si togan, waana rukni kamid ah burnurkeenna shabaabkuna masuul kama
ahan.
Tahriibta
Tahriibtu
waa socdaalka uu qof kaga gudbo waddan oo uu ku tago waddan kale isagoo
naftiisa biimeynaya. Tahriibku sida badan waxa uu ka dhacaa dhulalka
muslimiinta. Waxa laga yaabaa in dadka qaar ay isweydiiyan dhibaatada waddanka
iyo qof nolol raadsadey maxaa kala galay?
Haddaba tahriibku waa waxa dhammeeyay dhalinyaro badan oo soomaaliyeed islamarkaana
waddanka wax uun u qaban kari lahaa. Maahmaah soomaaliyeed baa tiraahda "Rag
waxtar yari mooyaane waxmatare maleh” boqolaalka
soomaaliyeed ee dhintay, kuwa lacago badan laga qaaday ee badbaaday iyo kuwa
haddaba yurub daroogada ku bartey saameyn wayn bay ku leeyihiin dhibta waddanka
ka jirta. Maxaa keenay haddaba tahriibta?.
Dhowr sababood baa keenay oo ay ugu weyn yihiin Amni xumo iyo Shaqo
la’aan.
Haddaba
labadaas yaa ka masuul ah. Waagii waddanku lixda bilood nabadda ahaa ee
wadaaduhu ka talinayeen kolkii lagu soo duuley ee la baaba’shay waatii laysugu
tagay Asmara Caasimadda ereteriya Markaas baa nimanka loogu yeedho beesha
caalamku ay yidhaahdeen "Itoobiya iyo adeegahooda cabdullaahi yuusufba waanu
saareyna balse waxa aanu keenaynaa ciidamo kale oo Afrikaan ah.
Sheekh Xasan Daahir baa weydiiyay sowta hadda dalka iyo intey wadaaduhu ka
talinayaan nabad tahay. Kolkaasaa loogu jawaabay idinkaan waddanka idinka
ilaalinaynaa. Bal markaas akhristoow isweydii amni xumada yaa ka wada waddanka?
Haddii nabad la rabo maxaa xilligii muqdisho ay nabadda ahayd waddanka loogu
soo duulay. Gaal baa laga sheegay xilligaas "muqdisho waa nabad laakiin
nabaddii aan rabnay ma aha!”.
Aan usoo
noqdo shaqo la’aanta, yaa ka masuula shaqo la’aanta jirta, ma wadaadaha
soomaaliyeed ee halgamaya mise shisheeyaha. Waagii burburka illaa iyo hadda
haddii beeralaydu ay galley beertaan ama dalagyada kale reer galbeedku waxa ay
soo daabuli jireen maraakiib masago ah si beeraleyda soomaaliyeed ee wax
beerataa u niyad jabaan oo ay sanadaha dambe u beertaan dalag fudud ama way
iskaba daayaan beerashadii oo halkaasey ku shaqo beelaan. Kaasi waa tusaalaha
ugu fudud. Labadaas qodobna waan isla garanney cidda ka masuulka ah.
Rumaysiga
degdega ah iyo illawsho dhawaanta
Waatii
aynu hore usoo sheegnay haddii la rabo in ummad la darso waa in sheeko
xariirooyinkooda la yaqaannaa. Sababtoo ah sheeko xariiradu waxay ay ka
turjumaysaa hab fikirka ummaddaas. Haddaba sheeko xariir soomaaliyeed tan ugu
caansan ama kamid ah kuwa ugu caansan baa waxay leedahay: Beri baa waxa jiri
jirey diin iyo dacawo, maalin maalmaha kamid ah ayaa ay beratameen kolkaas ayaa
dawacadii qodaxi mudday. Dawacadii baa u
qayshatay diinkii oo tiri "waar diinoow qodaxda iga goo” diinkii baa ka gooyay,
haddana dawacadii bay qodaxi mudday, markaas bay markale u qayshatey diinkii
"waar diinoow iga goo” isna waa uu ka gooyay laakiin ugu dambaystii diinkii bay
qodaxi mudday dawacadii buu u yeedhay "naa dacawooy iga goo” way diiday oo way
ka carartey. Diinkii baa qodaxdii iska jarey. Kadib sidii loo ordayay baa la
helay laba guri. Diinka gurigiisii waxa uu ahaa mid si fiican u agaasiman oo
heersare ah balse dacawadu guri daldaloola waa roobku kasoo gudbayo ayay
heshay. Dabadeeto diinkii ayay dab u doonatey, diinkii inta uu illaabey wixii
hore ayuu dabkii siiyay.
Dacawadu markasta oo dab la siiyo daadka ayay raacisaa haddana dab bay usoo
doonataa ugu dambayntii diinkii bay ku tiri aan kula seexdo isna waa uu u
ogolaadey. Kadib waatii kaga kaadiday furaashkii. Isna ugu dambayntii dab buu
ku qabtey.
Akhristoow sida sheekadaas looga
dhadhansanayo illawshaha dhow ee diinka sidaas oo kale ayaa bulshada
soomaaliyeedna u tahay mid markiiba u illawda siyaasigii dhibka gaadhsiiyay ee
ku ciyaaraymasiirkooda.
Waxa aan qoraalkeygan kusoo afmeerayaa sheeko kale oo ka hadlaysa sida fudud ee
soomaalidu beenta u rumeysato.Beri hore ayaa wiil meel dhexaad ahi uu damcay
inuu carruur meel ku cayaareysa kubbad uu ka khiyaameeyo baloonigooda cusub,
dabadeed waxa uu allifay been si uu kubadda u qaato.
Carruurtii baa uu isugu yeedhay waxa aanu ku yidhi: Sow ma ogidiin in suldaanka
magaaladeenna haystaa uu maanta macsuumad weyn u samaynayo dadka magaalada ku
nool oo hadda gurigiisii saf-saf loo gelayo. Ciyaalkii waa ay rumeysteen
kolkaasey u yaaceen dhankii guriga suldaanku ka xigay.
Intii ay magaalada sii dhex
ordayeen ayaa dadkii magaaladu weydiiyeen xagga ay ku ordayaan, markasta oo la
weydiiyo waxa ay yidhaahdaan maanta suldaankii baa casuumad samaynaya oo aanu
ka gaadheynaa. Muddo yar kadib waxa dhacdey in magaaladii oo dhami is hor
tubaan gurigii suldaanka, suldaankii waa uu naxay waxa aanu bilaabay in uu
ilaaladiisii heegan geliyo si ay u ilaaliyaan. Ugu dambayn dadkii waxa uu
weydiiyey waxa ay rabaan, waxa ay u sheegeen in casuumad suldaanku samaynayo
kadibna ay sidaa guriga ku yimaadeen. Odayga suldaanka magaalada ahaa oo
faraxsan dhanka kalena dhidid wayni ka yimid ayaa yidhi "yaa warkan idiin soo
sheegay?” sidii qoloba qolo kale farta ugu fiiqeysay baa la soo gaadhey carruurtii.
Cabbaar markii la eeg eegay hareeraha ciyaalkii waxa ay arkeen ninkii beenta u
soo sheegay, ninkii beenta sheegay isaga laftarkiisii baa rumeystey beentii oo
yimid gurigii suldaanka si uu casuumadda qayb uga helo. Kolkaa beenaalihii ayaa
la qabtey oo la xidhay. Umadda soomaaliyeed waa ummad hadal oowaxa ay u nugul
yihiin in ay beenta si fudud u rumeystaan.
Qoraa iyo Falanqeeye Siyaasadeed