Isbahaysiga Carabta oo 88 weerar ku beegsaday Xuuthiyiinta Yemen.

Sunday October 24, 2021 - 17:20:09
Liibaan Jeexoow
Isbahaysiga taxaalufka Carbeed ee duullaanka ku qaaday dalka Maali ayaa ku dhawaaqay in uu fuliyay duqeymo cusub kuwaas oo uu ku beegsaday kooxaha mucaaradka ee Iiraan ku xiran.


War rasmi ah oo kasoo baxay Isbahaysiga ay hoggaamiyaan Imaaraatka iyo Sacuudiga ayaa lagu sheegay in 72 saac gudahood ay fuliyeen 88 duqeymo ah kuwaas oo ay ku beegsadeen gaadiid dagaal iyo isku imaatinno ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Xuuthiyiinta.

Weeraradan xagga cirka ah waxay ka dhaceen deegaannada Al Jowbah iyo Al Kasaarah oo dhammaantood katirsan gobolka Ma'rib.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

Update cookies preferences